Dallac Bilaash
Dallac Bilaash waa nooc ka mida cuntada Soomaalida; taasi oo ka kooban yaanyo, basal, xawaash, bisbaas iyo saliid la isku dhex kariyay. Intaas waxaa dheer, dalac-bilaashku ma lahan suugo (maraq) xoolaad ah. Cuntada laga diyaariyo dalac-bilaashku waa mid wakhti kooban la diyaariyo waxaana inta ugu badan lagu daraa xawaash iyo basbaas.
Guud ahaan, dalac-bilashka laga isticmaalo gayiga Soomaalidu ku dhaqan tahay waa mid la socda dan iyo duruuf inta ugu badan.
Dallac bilaashka waxaa lagu cunaa canjooro (laxoox) ama rooti, gaar ahaan quraacda.