Dabar go' (Af Ingiriis : Extinction , Af Carabi : ar‎) waa aad yaraanshiyaha ama joogsiga jiritaanka nooc ama jinsi ka mida noolaha, xiliga uu dhimanayo hala xabo ee ugu dambeeya nooc ka mida noole aad u tiri yaraaday ayaa lagu tilmaamaa Dabar go, xiligaas waxaa oran karaa wuu dabar go'ay, inkastoo noolahaasi uu hore u waayay awoodii uu u lahaa tarmitaanka iyo badashada.

Shimbirka Dodo ee tusaalaha loogu soo qaato noolaha dhawaan dabar go'ay

Qeexid wax ka badal

Dabar go' waa qarsoomida noole jiray, lagana waayo dhulka dushiisa, iyo suuro galnimo la'aanta in dib loo arko, dabar go'a ku dhaca jinsi ka mida noolaha waa in ay baaba'aan oo dhulka ay ka tirtirmaan gabi ahaamba,

Waxyaabaha keena Dabar go'a wax ka badal

 
Sawirka noole qadiim oo dabar go'ay ah oo ku liin baxay dhagax .

Saynisyahannada ayaa sheega boqolaal Male Awaal oo keeni kara dabar go'a ku dhaca noolaha qaar, hase yeeshee la iskuma waafaqsana, qaar ka mida hadaan sheegno: tartan ka dhexeeya Naasleyda iyo Cudurrada, waxaa kaloo keena ayay sheegaan noolaha oo xasaasiyad ka qaba dhirta ubaxa leh iyo bacriminta ay u sameeyaan Cayayaanku, fikirkaas ayaan macquul ahayn sababtoo ah hadii taasi ay jirto aduunka laguma noolaadeen, oo hada waxaa ku nool bad iyo barriba noole aysan taasi waxba ka dhibaynin.


Hadaba sababaha ugu macquulsan ayaa noqon kara:

  • waxaa ka qayb qaata Dabar go'a ugaarsiga lagu hayo noolaha dabar go'aya.
  • Fidida degaanka iyo magaalooyinka oo keenaysa in noolahaasi uu waayo meel uu ku noolaado maadaama laga barakiciyay meeshii uu asl ahaan ku noolaa
  • waxaa ka qayb qaata is bedelka cimilada iyo wasakhaynta hawada ee warshadaha iyo horumarka Aadanaha,

Tusaale nooleyaal Dabar go'ay wax ka badal

Sidoo kale eeg wax ka badal