Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya

(Waxaa laga soo toosiyay Ciidanka Booliska Soomaaliya)

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya (SPF; Af Ingiriis : Somali Police Force (CBS); Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano Ciidanka Booliska Soomaaliya waa ciidanka nabadsugida iyo howl-wadeenada amniga iyo amaanka wadanka Soomaaliya.[1]. Si la mid ah dhamaan ciidamada nabasugida caalamka, Ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu la dagaalamaa fal-dambiyada, amniga bulshada, ka hortaga argagixisada iyo gacan kuheynta isku socodka gaadiidka.[2]

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya
Ciidanka Booliska Soomaaliya
قوة الشرطة الصومالية
Loo soo gaabiyoSPF
HalkudhigKahortag iyo U adeegid
(Af Ingiriis : Protect and Serve)
Warbixin kooban
La aasaasay1960; 64 sano ka hor (1960)
MaamulkaGovernmental: Government agency
Cadaalada
Wakaalada NabadsugidaSoomaaliya
FulintaDowlada Soomaaliya
Hoos-yimaada
Nidaamka Howlgalka
Xarunta sareMuqdisho, Soomaaliya
Qeybahas
Website
pol.gov.so

Hordhac

File:Somali Booliis.jpg
Astaanta Ciidanka Booliska Soomaaliya

Ciidanka Booliska Soomaaliya waa ciidanka Qaranka Soomaaliya, xaruntooda waxee ku taalaa Gobolka banaadir ee Muqdisho. Waqtigii nabada, booliska soomaaliya waxoo saldhig ku lahaa gobol kasto, waxeena maamuli jireen magaalo kasto oo dalka ku taalo. waqtigii siad barre booliska somalia waxee qalab iyo tabo barro badan ka heli jireen wadamada reer galbeedka. Markii ee dowladii dhexe ee siad barre ee dhacday, oo meesha ka bilaawday dagaaladii sokeeyay, booliska gobolda dalka oo dhan shaqadooda wee joojiyeen. 15sano somalia ma leheen wax xukun ama kala danbeen. Booliska ugu horeeyay ee somalia yeelato waxaa la sameeyay 2005ta. Maanta ciidamada booliska soomaaliya si fiican ee u soo noolaanooyan ayaga oo watto baabuurta booliska iyo dharkooda, laakiin wali kama shaqeeyaan gobolada dalka.

Wasaarada Gaashaandhiga

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya (Af Ingiriis : Ministry of Defence) (sidoo kale loo yaqaano: Wasaarada Difaaca Soomaaliya) waa wasaarada maamusha dhamaan hay'adaha iyo waaxyaha aminiga qaranka, isla markaana gacanta ku haysa ciidanka qaranka wadanka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ah Hogaamiyaha Sare ee Ciidanka Qalabkasida ee wadanka. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga wuxuu masuul ka yahay isku dibu ridka iyo diyaarinta siyaasada ciidanka, isla markaana soo diyaarinta kheyraadka iyo maamulka dhaqaalaha ku baxa ciidanka.

Guud ahaan, ciidamada hubaysan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah: ciidanka qaranka, Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyo Ciidanka Badda Soomaaliya; kuwaasi oo masuul ka ah ilaalada iyo nabadsugida wadanka, shacabka, qaranka iyo dowlada..[3]

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. The national police force and the main civil law enforcement agency of Somalia
  2. "Nuqul Archive". pol.gov.so. Waxaa laga kaydiyay the original 13 April 2018. Soo qaatay 6 May 2017.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. http://www.hiiraan.com/news4/2014/Jan/52907/somali_prime_minister_unveiled_his_55_member_cabinet.aspx. Soo qaatay 1 May 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)