Asharaaf

Asharaaf Waa Qabiil Kamid ah Qabiilada soomaaliya ugu waaweyn , waxaana uqeybsantaa : Asharaaf Xasan iyo Xuseen


Asharaaf [1](Af Ingiriis : Asharaf; Af Carabi : اشراف‎) waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwoodi ugu ballaaran kuwaasi oo degan Geeska Afrika . Beesha Ashaaf waxaay degtaa wadanka Soomaaliya ,Koonfur Galbeed, Jubaland ,Gobolka Banaadir iyo Somalilandwadanka Itoobiya , NFD oo ka tirsan wadanka Kiinya Iyo Wadanka Tanzania .

waxay asal ahaan ka soo jeedaan carabta.[1] gaar ahaan gabadhii nebi Muxamed (NNKH) Faadhima iyo Cali bin Abii dhaalib.

Abtiriskooda wuxuu ku tagaa illaa saxaabiga caan ka ah Cali bin Abii Dhaalib (RC) kaasoo ah Nabiga (SCW) ina adeerkii.

Waxay u kala baxaan xasan iyo xuseen oo Ah caruurtii Cali ibn Abi Dhaalib iyo Faadumo Bintu Rasuul.

Asharaaf
الأشراف
 Soomaaliya

 Itoobiya  Kenya

Asharaaf
Meelaha ay ku badan yihiin
Shalaanbood, Shangaani, Kismaayo,Hiiraan, Baraawe, Harar, Godey, Qabridahar,wardheer, Qabribayax, Feerfeer, Dollo addo, Luuq, Kismaayo
Baardheere,saranley ,buulo asharaaf Baqdaad, faaxfaxdhuun,war gaduud, Rowlo Shariif, Asalan
Asalan, Warqadey, biyooley Sarmaan, Baaqey, Kal iyo Kooraar
Moolmad , Aarag , Goof Gaduud , Berdaale , Jigjiga
Luqada

Somali Arabic Kiswahili

Diinta

Islam, Sunni

Dadka ay dhalyo wadagaan

Carab




ASHARAAF qaabka ay soomaaliya kusoo galeen wax ka badal

Qabiilka Asharaaf waxay Soomaaliya kusoogaleen faafinta Diinta Islaamka ayagoo umaraya wadada tarbiyada wanaagsan ee waxbaridda.

Asharaaf waxa ay waddanka Soomaaliya soogaleen Hijriyadii ugu horeysay ee Asxaabta Nabiga SCW ay usoo hijrodeen Ethiopia/Habasha.

marlabaad taariikhda marka ay ahayd 519 Hijri. Waxa ayna ahaayeen Dadkii ugu horeeyey ee Muslimiya Qowmiyadda Geeska Afrika degta (Ethiopia, Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) ayagoo ah cawaan duurjoog ah oo ugaarsato ah, ayagoo markii uguhoreysay kala kulmay dagaal iyo weeraro joogta ah taasoo ay kaga hortagayeen difaaca dadka Khamiiska kulabisan maadaama Qowmiyadaha dega Geeska Afrika ahaayeen Dad cawaana oo qaaqaawan. Waxaa loomaray dariiqa tacliinta iyo waxa looyaqaano Digriga ama Xadrada.

GOOBAHA AY KASOO GALEEN Waxa ay kasoogaleen :

A. Harar (Ethiopia/Habashi )

B. Baraawe

C. Muqdisho

D. Kismaayo.

E.Ber-bera

F. Seylac.




Meelaha uu degto Asharaafa wax ka badal

Qabiilka wuxuu degaa Gobolada kunfureed gobolada gedo , jubooyinka , Shabeelada hoose Iyo bay iyo bokool Iyo meelo kale Oo aad ubadan:

[[Shalaanbood, Shangaani, Kismaayo,Hiiraan, Baraawe, Harar, Godey, Qabridahar,wardheer, Qabribayax, Feerfeer, Dollo addo, Luuq, Moolimaad, Baardheere,saranley ,buulo asharaaf Baqdaad, faaxfaxdhuun,war gaduud, Rowlo Shariif, Asalan, Warqadey, biyooley, Sarmaan, Baaqey, iyo magaloyin badan o halkan lagu so kobi karin. Meelaha taarikhiga ah ee beeshu dagto waxa kamid ah Jameecada Aw xaaji Isaaq Aadan degto baqdaad, iyo Jameecada aw sheekh Mad dhaahir ee Jawaarey, Rowlo ee uu aas'aasey Sharif nuur Aamin Barkhadle iyo sida Tuulada Sarmaan oo ay Aas'aaseen shariif Cumar Wiyeed Shariif Wardheere wiyeed iyo shariif Daaye oo ah Ilmo Shariif Cimran. Beesha asharaaf waxey ubadanyihin Koonfurta Soomaaliya]]

Inta ukala baxdo Asharaafta wax ka badal

Asharaafta waxay Ukalabaxdaa marka hore Xassan iyo Xusen .

Asharaaf Xasani wax ka badal

Ashraaf Xasan Waa saddex Beelood Oo waaweyn :

1-Beesha Xasan Timo weyne

waa : shariif Xasan ( Xasan timo Weyne) bin Ahmed alwafi bin Amiin bin Jibriil bin Osmaan bin Saqaf al- hasani... Waxaa ukala baxaa saddex Lafood :

B. Shariif Maxamed

T. Shariif cali

J. Shariif Axmed

Asharaftan waxay ubadan yihiin Dhulka Soomaali galbeed Iyo Jubooyinka iyo shabeelada hoose .

2- Reer Shariif Nuur

Waxay kubadan yihiin itoobiya , Sidoo kale Gobolka Gedo

3- Besha Asharaaf Sarmaan

waxay ku abtirsdaan Shariif Yacquub Yaxye Canuun oo kumagacdgeer (Sagaal xajiile ) kaas oo Abtirsigiisa ku dhamaada Sayid C/qaadir Al jeylaani , kadibna Xasan bin Cali bin Abii dhaalib.

waxay ukala baxaan Saddex Lafood :

1-Wiyeed Cimraan Yacquub

2-Daaye Cimraan Yacquub

3-Waabgale Yacquub

Waxay kubadan yihiin Bay iyo Bokool iyo Gedo . Ugaas Guud ee Asharaaf Cumar Wiyeed waa Ugaas Cabdi Aadan Isxaaq


Asharaaf Xuseyni wax ka badal

Asharaaf Xusenyi waa Beelo Badan, Inta Soomaaliya dagto waxaa kamid ah :

1-Reer Sayid Axmed

2-Reer Shariif Maqbuul

3-Reer Shariif Xamduun

4-Reer aw xasan Al kawanyi

5- Al Nadiir

6-Al baasakuut

7-jamalulayl

Iyo kuwo kale .


Dadka Ugu Caansan Asharaaf wax ka badal

Culimadda iyo Aqoon yahanada iyo Siyaasiyiinta ugu caansan ee Asharaaf waxaa kamid ah :

1- Sheekh Yuusuf Alkowneyn

2- Shariif Yaxye Anuun (Sagaal Xajiile)

3- Shariif Cumar Aarak Iyo Walaalkiis Cabdalle Aarak

4- Sheekh Xuseen Baale yaale

5- Shariif Caydaruus Al nuderi

3- Sayid murshid sayid cabdalla

4- Sheekh Cumar Faaruuq, waxa uu aha ninki qoraanka oo dhan si fasiix umada ugu turjumay luqada afka somaliga

5- Sheekh Sharif Cabdinuur (aabihii xadiiska),

6- Sharif Hasan Sheikh Adan

7- Sharif Salah mohamed Ali

8- Sheekh Shariif Nuurow Aamiin Barkhadle oo ahaa Caalim weyn oo Diinta Islaamka faafinaayey, waana Aasaasihii Jameecada Rowlo oo ku caanbaxdey fidinta Dacwada Islaamka.

9- Sayid axmed sayid abdulwahid oo ahaa ninkii qarnigii 19aad ugu cilmiga badna afrika, sida ay shegaan culimada reer Makka.

10- Sheekh Shariif macruuf

11- Sheekh Shariif Dhawiil

12- Sheekh Shariif Siidkey Nuurow Aamin

13-Sheekh C/raxmaan Markaawi

14-Sheekh Maxamed Haadi

15-Xil. Shariif Maxamed C/llahi

16- Xil . Sheriif mustaf

17- Fahad yaasiin xaaji daahir

19 - Xil. Saalax Shariif Siidkey

20- Sheikh Qamiisdheere

21- Safia Ba-alawi (Gud. Deg. Shangani ee gobolka Banadir)


Dadka kale ee caanka ah:

1. Shaadiyo Sharaf(fanaanad)

2. Hani Uk(fanaanad)

3. Doni B(fanaan)

4. Najma Nuura (fanaan)

5. Axmed Sharif Killer (fanaan)

6. Sharif Bastow(fanaan)

7-Idil Ayruush (fanaan)

Tixraac wax ka badal

  1. [https://www.justice.gov/sites/default/files/eoir/legacy/2013/06/11/asharaf%20clan.pdf Ashraaf, Country Advice Somalia Somalia – SOM36945 – Asharaf clan – Feerfeer - Burukuur - Mandera Kenya - Baardheere - Doolow Amputation – Recruitment – Ethiopian Invasion – Musa Zude Yalahow – Yaqshid 9 July 2010