Wikipedia:Maqaalka Cusub Bogga Hore/3
Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, waana mid ka mid ah dadka ugu magaca dheer ummadda muslimiinta dhexdooda ,waa hormariyaha dhanka dhaqaale Wax barasho, Teknoloji ee dalka Malaysiya, da'diisu iminka waa 80 iyo dhowr sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.
Dadka ayaa waxay ku tiriyaan inuu yahay ninka da'yartii dalkiisa intii wax baranaysay u kala diray dalalka Maraykanka, Ingriiska iyo dalal kale ee caalamka si ay uga soo shidaal qaadaan dhanka wax barshada isla markana ay dalka ku soo celiyaan waxii ay soo barteen sidaa ayay ku gaareen hormarka ay maanta ku taamayaan reer Malaysia.
Dadka muslimiinta qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay ku fakaraan in ay helaan madax wayne ama raisul wasaare isaga la mid ah maadaama uu dalkiisa ka gaaray guulo waa wayn,waa ninka aan saaxiib quwadeed (Military) la lehayn dowladaha reer galbeedka ee inta badan iminka caalamka islaamka madaxda ka talisa ay xiriirka la lee yihiin,wax uu yiraahdaa hadii aan ka dalbano taageero ciidan ama mid dhaqaale iyaga ayaad hoos imaan oo waxa ay ku amraan ayaad samayn ma doonayo sidaa waxaan rabaa shacabka dalkayga waxa ay raali igaga yihiin
Wax uu aamin san yahay in dhibka dunida Islaamka iminka ka taagan ay masuul ka yihiin Bush iyo Blair iyo inta raacsan waxaana uu ku baaqay marar badan in maxkamad caalami ah la soo hor taago ragaasi waa sida uu sheegay (SII AQRI)