Isgaadhsiinta Soomaaliya

(Waxaa laga soo toosiyay Warisgaadhsiinta Soomaaliya)

Isgaadhsiita Soomaaliya (Af Ingiriis : Communications in Somalia) waa adeega isgaarsiinta ka howlgasha wadanka Soomaaliya, taasi oo iskugu jirta isgaadhsiinta teleefanka, internetka, idaacadaha raadiyaha, madbacadaha, warbaahinta telefishanka iyo adeega waraaqad-dirista (postal services).

Dhismaha xarunta Hormuud Telecom ee Muqdisho.

Hordhac wax ka badal

Wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee wadanka, waxaa aasaasmey shirkado madax banaan oo uga adeega bulshada howlaha isgaadhsiinta ee wakhtiyadii hore dowlada Soomaaliya gacanta ku hayn jirtey.[1] Tartanka udhaxeeya shirkadaha wuxuu keenay in maanta Soomaaliya ka mid noqoto wadanada ugu adeega fiican iyo qiimaha jaban ee isgaadhsiinta teleefanka iyo internetka.[2]

Adeega Boostada wax ka badal

Adeega Boostada Soomaaliya
Somali Postal Service
Boostada Soomaaliya
Waxbixin Wakaalada
NoocaAdeega boostada
Hoos-tegtaDawladda federaalka Soomaaliya
Xarunta sareMuqdisho, Soomaaliya
2°04′00″N 45°22′00″E / 2.06667°N 45.36667°E / 2.06667; 45.36667
Wasiirka wakiilka ah
  • Maxamud Ibrihim Adan
Parent agencyWasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta
Websitemipt.gov.so

Adeega Boostada Soomaaliya waa adeega boostada iyo waraaqaha ee wadanka Soomaaliya. Shaqada boostada waxaa masuul ka ah Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta.[3] Intaasi waxaa dheer, adeega boostada waxay xidhiidh quman la leedahay wakaalado kale oo caalami ah kuwaasi oo iska kaashadaan helitaanka iyo dirista buqshadaha iyo alaabta. Nasiib-daro, adeega boostada Soomaaliya wuxuu burburay wakhtigii |dagaalkii sokeeye sanadkii 1991kii. Dadaal badan iyo dhiiranaan ka dib, waxaa dib loo soo celiyay adeega boostada 1dii Noofember 2013ka,[4] wakhtigaasi oo uu dhacay Heshiiskii Xidhiidhka Iskusocodka ee dowlada Soomaaliya la sexeexatay wakaalada Boostada Imaaraadka.[5]

Guud ahaan, badhtamihii Oktober 2014ka waxaa Wasaarada Boostaha ku dhawaaqdey fureyaal u gaar ah dhamaan 18ka gobol ee wadanka.[6]

Sidoo kale fiiri wax ka badal

Tixraac wax ka badal

  1. Telecom Firms Thrive in Somalia Despite War, Shattered EconomyThe Wall Street Journal
  2. . Forbescustom.com https://web.archive.org/web/20120106131406/http://www.forbescustom.com/EmergingMarketsPgs/AbdirashidDualeInterviewP1.html. Waxaa laga kaydiyay the original 2012-01-06. Soo qaatay 2010-06-27.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Ministry of Information, Posts and Telecommunications Archived Juun 3, 2013 // Wayback Machine, Government of Somalia, 2012. Retrieved 9 December 2012.
  4. "Nuqul Archive". 1 November 2013. Waxaa laga kaydiyay the original 9 November 2013. Soo qaatay 7 November 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. "Nuqul Archive". 26 April 2013. Waxaa laga kaydiyay the original 9 November 2013. Soo qaatay 27 April 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  6. "Nuqul Archive". Diplomat News Network. 11 October 2014. Waxaa laga kaydiyay the original 14 October 2014. Soo qaatay 12 October 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)