User:Mohamedim4/Bacaadka
Hargeysa waa caasimada dalka Somaliland. Wakhtiyadii hore, magaalada Hargaysa waxay ka tirsanayd maamulkii Saldanadii Cadal ee ka arimin jirey deegaano badan ee ku taala Somaliland. Boqortooyadii Ingiriiska ayaa magaalada Berbera ka dhigay magaalo madaxdii British Somaliland, waxa sanadkii 1941 lagu wareejiyay magaalo madaxda caasimada Hargeysa. Sannadkii 1960 waxay madaxbanaani heshay ilaaladii gobolada Waqooyi kuwaasi oo la midoobay Koonfurta Soomaaliya, sidaasi ayaa Hargeysa ku dhaaftey magaalo madaxnimadi. Laakiin waxay magaaladu ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu wayn Soomaaliya.Kadib markii ay Soomaaliya ka dhacday dagaal sokeeye ayay sanadkii 1991 noqotay caasimadda jamhuuriyadda Somaliland.
Taariikh
wax ka badalIn kastoo aan la haynin taariikh xaqiiqo ah, waxaa la aaminsan yahay in Hargaysa uu aasaasay Sheekh Madar qiyaastii 1800, wakhtigaasi oo sheekhu ka dhisay maqaam xereed iyo meel lagu nasto marka loo socdo magaalada Herer.
Xogta Dhismaha Magaalada
wax ka badal
Magaca Hargeysa
wax ka badalMagaalada Hargeysa waxa la asaasay bilawgii 1800-meeyadii. waxayna noqotay degsiimadii Sheekh Madar, magaalada Hargeysa waxay u dhowdahay goob biyo-joojin ah oo ay isticmaalaan xoola-dhaqatada reer guuraaga ah ee ku sii jeedda magaalada Herer. Madar wuxuu ugu magac daray magaalada Hargeysa, Harartii yarayd. Magaca Hargeysa asal ahaan waxa uu kasoo jeeda magaca ganacsiga maqaarka. Hargeysa waxay ahayd goob waraabinta iyo ganacsiga u dhexeeya xeebta iyo gudaha, waxaana ka mid ah badeecadaha la kala iibsanjirey inay ahaayeen hargaha. Hargeysa waxaa laga soo qaatay taas oo macnaheedu yahay "meel lagu iibiyo hargaha iyo saamaha.