User:Ismail4all/Bacaadka1/Tallo, Tusaale & Su'aal/1

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  


Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.

Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor boga wadahadalkeyga.