User:Ismail4all/Bacaadka1/Waxqorkeyga/1

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  


Anigu shakhsi ahaanteey ayaan xiiseeyaa wax qoritaanka iyo akhriska. Waxaan wax qoraayay ilaa 16 sano, kaba badan kala badh nolosheyda. Sidaas ay tahay wali khabiir ma ahi, mana isku heeysto inaan dadka ka xariifsanahay. Marka aan anigu wax qorayo waxaan jecelahay inaan xaqiiqada ku saleeyo. Sidaasi darteed inta ugu badan waxaan si macquul ah u soo turjumaa bog horay u diyaariyeen dad aqoon u leh.

Wax qorkeygu mararka qaar wuxuu noqon karaa mid aad fahmi weydo, sababta waxaa laga yaaba ineey lahjada tahay, inaan il-duufo amaba aan wax si khaldan u fahmo ama u qoro. Waan soo dhawaynayaa hadii aad i sixi karto ama fikrad iyo talo iga siin karto wax qorkeyga. Si kastaha ha ahaatee, ciwaanada iyo qoraalada aan ugu xiisaha badanahay waxaa ka mid ah taariikhda, juquraafiga, sayniska, teknoolojiyada, gaadiidka iyo noolaha. Bogaga aan qoray 90% waa taariikh, juquraafi iyo saynis; waxaanan aaminsahay ineey yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ka biloowno qoritaanka wikipediahan.

Guud ahaan ujeedadu waa in la horumariyo Somali Wikipedia, marka aynu ka wada qeeyb-qaadano isla markaana isa saxno.

Bogaga aan anigu bilaabo inta ugu badan waxaan gaadhsiiyaa heer-sare, dhexdhexaad, cadaymo, sawiraan iyo maab leh. Sidaas ay tahay waxuun baa ka dhiman, hadii aad buuxin karto waa mid fiican.