TARIIKHDII AXAMAD FIQI . AXAMAD FIQI WUXUU KA SO JEEDAA BEESHA MUDULOOD ABGAL., GABAYDII KUSOO AROORAY  XAAJI AXAMAD FIQI OO AHAA (ABGAL ). Sakaar waxaan ugooyiyo waxaan, uma u daadshaaba

Axmed-Fiqi4 jawaab kagama helin, sadaqadaydiiye

Sannahaabadiisaanan abid, kari hayne

Saniciisa baas iyo hadduu, saxalku ii keenay

Subaac qooqan baa iigu yimid, sabada ciideede

Inuu ferenji ii soo sawiray, waw su’aal qabaye

Subbeehigu wuxuu igu khatalay, saahid baan ahaye

Safiihnimadu waatuu dorraad, gaal u saacidaye

Soddon jeer ka badan ceeb intuu, saancaddu falaye

Markaan sebi ahaa iyo haddaan, suurad oday yeeshay

Saamaa Ilaah iiga dhigay, saaxir ii colahe

Saaxiibkii aan yeeshaaba, waa saymo lagu reebye

Mar haddaanuu sabankeer nafluhu, saafi noqonaynin

Waxba yaanan sida saar nin qaba, salalin goorteere

Ilaahow adaan kuu samree, suubi taladayda.

Gabaygan waxaan ka qoray Xaaji Axmad Aaden Surgo, sannadkii

1956kii.