Shiilaabo waaa magaalo taarikhi ah oo ku taala bariga gobalka Ogaden. Waana caasimada Gobalka Doh. Shilaabo waxay caan ku tahay khayraadka dabiiciga gaar ahaa shidaalka iyo saliida cariinka ah, waxay kaloo caan ku tahay xoolaha nool.

Shilaabo
{{{type}}}
Shilaabo is located in Ethiopia
Shilaabo
Shilaabo
Location within Ethiopia
WadanItoobiya
RegionKililka Soomaalida
ZoneDoh
Joogga
395 m (1,296 ft)
Tirada dadka
(2005)
 • Dhammaan98,395
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Magaalada Shilaabo oo ah magaalo madaxda GObalka Doh waxay gubatay ugu yaraan 3 jeer waxayna ka dhisan tahay meeshii afraad hada.

Shilaabo waxaa ku dhashay oo ka soo jeeda dad badan oo caan ka ahaa taariikhda geeska afrika iyo guud ahaanba afrika.

Waxaana ka mid Diiriye Guure oo ahaa halyaygii xorriyada geeska afrika iyo somalida guud ahaanba.

Waxaa ka mid ahaa oo kale oo ku dhashay sareeye guuto Maxamed siyaad barre oo ahaa madax waynihii Soomaaliya intii udhaxaysay 1969 ilaa 1991, iyo qaar kale oo badan.

Shilaabo waxay kaloo caan ku tahay dhinaca isgaarsiinta iyo isu socodka, waana magaalo isku xirta inta badan magaalooyinka geeska afrika. Waxaana mara jidad badan oo u kala goosha guud ahaan geeska afrika.

waxay leedahay Gagi ama garoon diyaaraded oo caalami ah kaas oo qayb wayn ka qaatay isku socodka wadamada geeska Afrika iyo ganacsiga magaalada shilaabo.

Magaalada shilaabo waxay daris la tahay dhinaca koonfurta iyo bariga Somalia, dhinaca galbeedka Qabridahar, dhinaca Waqooyiga wardheer, koonfurgalbeedna Godey.

Dadka ugu caansan ee wax ka dhisay magaalada Shilaabo waxaa ka mid ah Adan sacab Kunool, Xaalays iyo Aw cabdi Aw Mohamed Daman oo ah ninkii Shilaabo aaskeeda lahaa, ayna ku Baxaday magaalo laga cararay camirahayaw Cabdi aw maxamed.