God Xisaabeed

(Waxaa laga soo toosiyay Sadex-god)

Goddadka Xisaabta wax ka badal

God-xisaabeed waa hab ama qaab ka mid ah cilmiga xisaabta lagu kala saaro godadka tirooyinka.

Tusaale ahaan tiroda todoba waxay ka mid tahay tobanka lambar ee la isku yidhaahdo Hal-godleey. Halka tirada konton-iyo-shan ka tirsan yahay Labo-godleeyda oo ugu dambeeyso sagaashan-iyo-sagaal.


Qeeybaha Goddadka Tirada wax ka badal

Goddadka tiroda lama soo koobi karo, laakiin waxaa u muhiimsan oo ugu horeeya kuwan hoos ku xusan:

  • Hal-godleey = 0 - 9 oo loo yaqaano Kowaad.
  • Labo-godleey = 10 - 99 oo loo yaqaano Tobanaad.
  • Sadex-godleey = 100 - 999 oo loo yaqaano Boqolaad.
  • Afar-godleey = 1'000 - 9'999 oo loo yaqaano Kunaad.
  • Shan-godleey = 10'000 - 99'999 oo loo yaqaano Toban-Kunaad.
  • Lix-godleey = 100'000 - 999'999 oo loo yaqaano Boqol-Kunaad.
  • Todoba-godleey = 1'000'000 - 9'999'999 oo loo yaqaano Milyan.
  • Sideed-godleey 10'000'000 - 99'999'999 oo loo yaqaano Toban-Milyanaad.
  • Sagaal-godleey 100'000'000 - 999'999'999 oo loo yaqaano Boqol-Milyanaad.
  • Toban-godleey 1'000'000'000 - 9'999'999'999 Bilyanaad.
  • Toban-iyo-kow-godleey 10'000'000'000 - 99'999'999'999 oo loo yaqaano Toban-Bilyanaad.
  • Toban-iyo-labo-godleey 100'000'000'000 - 999'999'999'999 oo loo yaqaano Boqol-Bilyanaad.
  • Toban-iyo-sadex-godleey 1'000'000'000'000 - 9'000'000'000'000 oo loo yaqaano Tiriliyan.
  • Toban-iyo-Afar-godleey 10'000'000'000'000 - 99'999'999'999'999 oo loo yaqaano Toban-Tiriliyanaad
  • Toban-iyo-shan-godleey 100'000'000'000'000 - 999'999'999'999'999 oo lagu magacaabo Boqol-Tiriliyanaad.