Sadaxleey

wax maka faaiiMaahmaah
Labaaleey
Saddex lama dugsado




Afareey
Shanleey
Lixleey
Todobaaleey
Sideedleey

Sadaxleey waa qeyb ka mid ah Maahmaahda oo ka kooban sadex qeybood.

  • Rag sadex lama raaco, ma fikire,ma faa'idayste,ma foorarsade.
  • Rag waxa ugu liita, ma hadle, ma heenseeye, ma haasawshe.
  • Rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.
  • Ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socdaaaa ka haloosigii.
  • Ragu sadex waa iskaga mid Magaca, magta iyo maganta.
  • Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
  • Saddex Ilaahey waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii, iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
  • Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
  • Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
  • Sadex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo Bakhiil damac yaqaan.
  • Sadexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon.
  • Sadex raggu way ku halagman: Hami beenah, Hanti booli ah, iyo Hooto dagaal