Abuu Cabdulaahi Muscab bin Cumeyr Saxaabi ka mid ahaa kuwa ugu horeeyay islaamida, Wuxuuna ahaa safiirka Rasuulka ee Madiina, Dagaalkii Uxud ayuu ku shahiiday sanadkii 3aad ee Hijiriga.

muscab bin cumeyr
مصعب بن عمير


saxaabi
xog ku saabsan
aabihiisa: Cumeyr
hooyadii umu khanaas faadima al-caamiriya
Dhashay: 42 kahor hijrada
Ku dhashay: Makka
Diintiisa: Islaam
xaaska xamna binti jaxshi
ilmahiisa
walaalihiis Abu ruum bin cumeyr
Dhintay: 3H/
Ku dhintay: madiina

Taariikh nooleedkiisa wax ka badal

Waa Muscab bin Cumeyr bin Haashim bin Cabdi manaaf bin Cabdi daar bin Qusayyi bin Kilaab[1][2][3][4].

Waxa oo ku soo barbaaray Makka, Qoys ladan ayuuna ka soo jeeday, Qof dhalin yaro ah aad u qurxoon oo nicmeysan ayuu ahaa, Wuu kor jilcanaa mana ahayn qof dhirir ama gaabni lagu tilmaamo, wuxuu xiran jiray dharka kuwa ugu qurxoon, Catarada kuwa ugu fiican ayuuna ugu fiican[2].

Muscab wuxuu islaamnimada qaatay intuu Nabi muxamad ku sugnaa guriga Arqam laakin muusan muujin islaamidiisa oo wuxuu ka baqay hooyadii Umu khanaas iyo tolkiisa, wuxuu sidaas ahaadaba mar dambe ayaa waxaa arkay Cusmaan bin dalxa asiga oo tukanaya wuxuu u sheegay cidiisa, markiiba way qabteen wayna xabiseen, wuxuu xirnaa mudo, markii dambe wuxuu u haajiray xabasha. Mudo ka dib hadan wuu soo laabtay[5].

Safiirkii ugu horeeyay islaamka wax ka badal

Becatu caqaba koowaad 12 Ansaarta ka mid ah ayaa Nabiga la kulmeen weyna islaameen, wuxuu Nabiga ku daray Muscab bin Cumeyr soo Qur'aankana u baro inta islaamtay dacwadana ugu yeero reer Madiina[6], Muscab markuu Madiina yimid wuxuu ku dagay guriga Ascad bin zuraara[5], wuxuu ka bilaabay Madiina dacwada islaamka sidoo kale wuxuu tujin jiray reer Madiina salaadaha.

Waxaa gacantiis ku islaamay Useyd bin xudeer sayidka banii cabdi ashhal, asigoo ka xanaaqsan diinta ku cusub Madiina ayuu Muscab iyo Ascad bin zuraara u yimid, Muscab ayaa ku dhahay fariiso horta oo dhageyso waxaa wadno, Markuu dhageystay wuu ku qancay wuuna islaamay, sidii oo kale Sacad bin mucaad ayaa isna dhageystay wuuna ku qancay kadib wuu islaamay[7] Tolkooda ayaa ku raacay islaamnimada, Waxaa ku sii xigsaday oo islaamay Sacad bin Cubaada, dadka reer Madina ayaa badankood waxey qaateen islaamka. Wuxuuna xaqiijiyay Muscab guul aa wax loo dhigo la hayn [8].

Sanad ka dib waqtigii xajka Muscab oo la jiraan 73 nin iyo 2 naag oo ree Madiina ah islaamka qaatay ayaa Makka yimaadeen wxey la kulmeen Nabiga waxeyna la mubaayacoodeen Beycatu Caqaba labaad.

Dagaalkii badar wax ka badal

Markuu Nabiga Madiina u soo haajiray wuxuu Muscab kala qeyb galay dagaalada, Maalinkii badar wuxuu Muscab ahaa qofka sida calanka muslimiinta, inkastoo maalinkaas mushrikiinta Qureysh ay ka tiro badnaayeen muslimiinta hadana waxaa la gaarsiiyay jab aad u weyn, 70 qof ayaana laga dilay oo ku jiraan odayaashooda sida Abuu jahal, Umayya bin khalaf iyo Cutba bin rabiica.

Guushaas ay muslimiinta gaareen ka dib waxaa maxbuus ahaan uga qabsadeen gaalada ilaa 70 kale, waxaana ku jiray dadka la qabtay walaalka Muscab oo la oran jiray Abuu caziiz bin cumeyr, Muscab ayaa soo maray nin ansaari ah oo xarig ku xiraaya walaalkiis wuxuuna ku dhahay ansaariga: xariga si fiican ugu dhuuji, Hooyadii xoolo iyo hanti waa haydaa laga yaabee inay madax furasho ku siiso, walaalkiis ayaa dhahay ma sidaan ayaa ugu dardaarmee walaalkaa? Muscab ayaa ku jawaabay "asigaa walaal ii ah adiga sokadaa" [9]

Dagaalkii Uxud iyo shahiidnimadiisa wax ka badal

Dagaalkii Uxud wuxuu Nabiga calanka u dhiibay Muscab, wuxuuna ahaa Nabiga gadaal inuu dhigay ciidan muslimiinta ka mid ah oo gamuun leey ah asigoona amray inay ka dhaqaaqin, Markii dagaalka bilaawday ayee soo dhaqaaqeen, waxaana muslimiinta lagu sameeyay dhabar jabin, Ciidanka muslimiinta ayaa badankood carareen, Muscab ayaa ku juray in yar oo sugnaatay, wuxuu aad uga difaacay gaaladii Nabiga scw xagiisa usoo socotay, nin la yiraahdo ibnu Qami'a al-leythi ayaa seef ku dhuftay oo gacanta midig ka jaray, Muscab oo aqrinaya [وما محمد إلا رسول قد خلت من قبله الرسل ] ayaa calanka ku qabtay gacanta bidix, seef kale ayuu ku dhuftay bidixda ayaa ka go'day, Calanka ayuu ku celiyay xabadkiis, mar sedexaad ayuu ibnu Qami'a waran la helay, Muscab ayaa dhacay calankiina wuu la dhacay [10]. Ibnu Qami'a wuxuu mooday inuu dilay Rasuulka , waxa uuna faafiyay inuu dilay Muxamad.

Dagaalka ka dib Nabiga ayaa soo maray meedkiisa oo meel yaala aad ayuu uga murugooday, wuxuuna aqriyay Aayada [ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ فَمِنْهُمْ مَنْ قَضَى نَحْبَهُ وَمِنْهُمْ مَنْ يَنْتَظِرُ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلًا ] [11].

Muscab ma uu ka tagin wax aa ka ahayn hal maro, markii la damcay in lagu kafano hadii madax laga saaro waxaa feydmayay lugaha hsdii lugaha laga saarana waxaa feydmayay madaxa, wuxuu dhahay Nabiga "Madaxa uga daboola lugahana geedka idkhirka ka saara" [12].

Alla ha ka raali noqdee Muscab wuxuu jiray markuu dhimanaayay 40 sano, wuxuuna ilmo ka tagay hal gabar.

Xigasho wax ka badal

  1. سير أعلام النبلاء» الصحابة رضوان الله عليهم» مصعب بن عمير Archived 2017-09-07 at the Wayback Machine
  2. 2.0 2.1 الطبقات الكبرى لابن سعد - مصعب بن عمير (1) Archived Diseembar 20, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-12-20 at the Wayback Machine
  3. الإصابة في تمييز الصحابة - مصعب بن عمير Archived Diseembar 20, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-12-20 at the Wayback Machine
  4. أسد الغابة في معرفة الصحابة - مصعب بن عمير Archived Diseembar 20, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-12-20 at the Wayback Machine
  5. 5.0 5.1 الطبقات الكبرى لابن سعد - مصعب بن عمير (2) Archived Diseembar 20, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-12-20 at the Wayback Machine
  6. الطبقات الكبرى لابن سعد البغدادي، ترجمة مصعب بن عمير، جـ 3، صـ 87، طبعة دار الكتب العلمية - بيروت، الطبعة الأولى سنة 1990م Archived Jannaayo 13, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-01-13 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  7. السيرة النبوية لابن هشام، بدء إسلام الأنصار، أول جمعة أقيمت بالمدينة، أسعد بن زرارة ومصعب بن عمير وإسلام سعد بن معاذ وأسيد بن حضير، جـ 1، صـ 436: 439، طبعة مؤسسة علوم القرآن Archived 2017-01-13 at the Wayback Machine
  8. https://islamonline.net/archive/%D8%A3%D8%A8%D8%B7%D8%A7%D9%84-%D8%A7%D9%84%D9%87%D8%AC%D8%B1%D8%A9-%D9%85%D8%B5%D8%B9%D8%A8-%D8%A8%D9%86-%D8%B9%D9%85%D9%8A%D8%B1/
  9. مصعب بن عمير.. قدوة الشباب الأبرار"، www.islamweb.net، اطّلع عليه بتاريخ 2020-08-20. بتصرّف
  10. الطبقات الكبرى لابن سعد - مصعب بن عمير (4) Archived Diseembar 20, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-12-20 at the Wayback Machine
  11. حلية الأولياء لأبي نعيم، مُصْعَبُ بْنُ عُمَيْرٍ الدَّارِيُّ، رقم الحديث: 333 Archived 2017-11-15 at the Wayback Machine
  12. الطبقات الكبرى لابن سعد - مصعب بن عمير (6) Archived Diseembar 20, 2016 // Wayback Machine Archived 2016-12-20 at the Wayback Machine