Madiina Al-munawara

(Waxaa laga soo toosiyay Madiina Al-Munawara)

Madiina al-munawara Waa magaalo kutaala Wadanka Sacuudi Carabiya, waana caasimadii u horaysay ee Muslimiinta ahna magaalada labaad ee ugu barakada badan muslimiinta agtooda, magaalada waxaa markii hore la dhihi jiray "yasrib" markii Nabiga scw iyo saxaabada u soo haajireen ayaa rasuulka scw u bixiyay magaca "Madiina", waxaa ku yaalo magaalada Masjidka Nabiga oo ku ag duugan yahay rasuulka , sidoo kale Qabuuraha baqiic oo saxaabo badan ku aasan yihiin[1].

Magalaada Madiin
masjidka nabiga scw

Magaceyda hore intay saxaabada u soo haajiroon wuxuu ahaa "Yasrib", Magacaan ayaa lagu xusay Qur'aanka kariimka suurada Al-Axsaab aayada 13[2][3], Hijrada ka dib wuxuu reebay Nabiga magaca "Yasrib", muslimiinta dhexdooda waxey u aqoonsadeen "Madiinatu rasuulilaah" (Magaaladii rasuulka) markii dambe ay fududeeyeen waxey ku daayeen magaca "Madiina", Magacyada kale ee loo yaqaan waxaa ka mid ah "Daaba" iyo "Deyba" oo rasuulka u bixiyay.

Taariikhda

wax ka badal

Taariikhda Madiina waa mid aad u fog, waxa ayna jirtay 1500 oo sano ka hor hijrada, magaca "Yasrib" ayaana loo yaqaanay, ilaha taariikhda ee carbeed ayaa xuseysa magaca "Yasrib" inuu ka yimid mid ka mid ah ilmaha Nabi Nuux Cs oo ahaay inuu dhisay markeedi hore.

Waxaana dagi jiray qabiil Yahuud oo sedex ah; Banuu Qeynaac, Banuu Nadiir iyo Banuu Qureyda, sidoo kale labo qabiil oo carbeed oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Aws iyo Khazraj, waxaa ka dhexeeyay Carabta iyo Yahuuda hishiis wada noolaasho si nabad galyo ah iyo iskaashi ka difaacida magaaladood cadawga [4], mudo ka dib Yahuuda waxey ka dhex abuureen Aws iyo khazraj colaad sokeysa waxeyna dagaalamayeen wax ka badan 100 sano [5], dagaalada taariikhda galay ee dhax maray waxaa ka mid ahaa Dagaalkii Bucaas ee ku dhinteen madaxda labada qabiil, dhacayna wax yar ka hor hijrada, mana soo dhamaan dagaalada ilaa hijrada Nabiga scw.

Hijrada Nabiga scw iyo Saxaabada

wax ka badal

Qarnigii todobaad ee Miilaadiga ayuu ahaa markii uu Nabiga scw dacwada islaamka ka bilaabay gudaha Makka, dacwada waxaa si adag uga hor yimid Qureysh, ka dib 13 sano oo dacwada ka socotay Makka aydoo wajahaysay cadaadis daran waxa uu Nabiga scw ka dalbaday qabiilada carabta inay hooysiiyaan, rag ka mid ah qabliilada khazraj iyo Aws ayuu Nabiga scw kula kulmay Makka kuwaas oo ku qancay dacwadiisa, waxaa dhacay Beyca Caqaba oo khazraj iyo Aws ku balan qaadeyn difaacida Rasuulka scw iyo diintiisa, mudo yar ka dib dadka reer Madiina waxey qaateen islaamka, Rasuulka scw ayaa Madiina u soo haajiray 12 Rabiica Awal sanadii 1aad hijriga, waxa uu Rasuulka scw Madiina ka aasaasay Dawladii islaamka, Masjidkiis ayuu dhisay, Muhaajiriinta iyo Ansaarta ayuu walaaleeyay, waxeyna ahaayeen ansaar iney la qeybsanayaan Muhaajiriinta hantidooda iyo guryahooda, sidoo kale wuxuu Nabiga scw Yahuuda Madiina la saxiixday hishiis wada noolaasho, kaas oo lagu qoray waraaq loogu magac daray "Dastuurkii Madiina".

Duulaamada Nabiga scw

wax ka badal

waxaa bilaawday duulaamada Nabiga scw, Sandkii 2aad ee hijiriga Nabiga scw iyo saxaabadiis oo ku raad jira safar Qureysh leydahay ayaa waxay si kadis ah isugu dhaceen ciidan Qureysh oo aad u badan, waxaa dhacay dagaalkii Badar oo muslimiinta ku guuleysteen, Qureyshna waxaa gaaray khasaaro lixaad leh, odayaashood badanaa waa la dilay.

Sanadkii xigay Qureysh ciidan badan ayee soo aruurisay si ay u aargutaan, waxey u soo baxeen la kulanka Muslimiinta, Buurta Uxud ee Madiina agteed ayee ku dagaalameyn, waxaa markii hore adkaaday muslimiinta, balse ciidan uu gadaal dhigay Nabiga ayaa ka soo ruqaansaday booskood, khaalid bin waliid oo ka faaideysanaya ayaa dhabar jabiyay muslimiinta waxaana gaaray khasaaro xun, Xamza adeerkii Nabiga scw ayaa lagu dilay dagaalka iyo 70 kale oo saxaabo ah.

Sanadkii 4aad ee hijiriga waxaa dhacay Duulaankii Banii Nadiir, Nabiga scw iyo saxaabadiis ayaana ku qsbeyn Yahuuda Banii Nadiir inay ka guuraan Madiina ka dib markey khiyaano ku kaceen.

Sanadkii 5aad ee hijiriga waxaa sameysmay isbahaysi ka dhan ah muslimiinta oo ka kooban Qureysh, Qabiilada Gadafaan, iyo Yahuuda Banii Nadiir, waxaa ku sii biiray Yahuuda Banii Qureyda oo Nabiga scw hishiis kala dhaxeeyay, Madiina ayee go'doon galieen, Nabiga scw iyo saxaabadiis waxey ka qodeen Madiina god, Salmaan faarisi ayaana arintaas soo jeediyay, Muslimiinta waxay kala kulmeen go'doonka rafaad badan, waxaa soo wajahday in badan oo ka mid ah cabsi sida uu Allah Qur'aanka ku sheegay, markii dambe isbahaysiga wuxuu wajahay dabeel daran oo loo adkeesan karin, Nceym bin Mascuud oo ahaa muslimiinta xiriir hoose inuu la yeeshay asna wuxuu ka shaqeeyay kala geynta isbahaysiga, waxeyna u rarteen xaafadahood.

Yahuuda Banii Qureyda ayaga waxey ku laabteen dhufeysyahood, muslimiinta ayaana ku go'doomiyeen 25 maalmood, ka dib waa ay is dhiibeen, waxa ayna ku dageen xukunka Sacad bin Mucaad, asna waxa uu xukmiyay ragood in la laayo, dumarkood iyo caruurtoodna loo qaato adoomo ahaan, xukunkaas oo Nabiga scw ku fuliyay.

Sanadkii 8aad ee Hijiriga waxa ay muslimiinta qabsadeyn Makka awoodii, Qureysh ayaana soo afjarmatay, inkastoo Makka kacbada ku taalo, asal ahaana uu ka soo jeedo Nabiga scw hadana Madiina waxey sii ahayd caasimadii muslimiinta, sanadkii 9aad iyo 10aad waxaa Madiina ku soo qulqulaayay qabiilada carabta ayagoo qaadanaya islaamka

Khulafada Raashidiinta

wax ka badal

Nabiga scw waxa uu dhintay 11H, Abuu Bakar ayaana loo doortay inuu noqdo khaliifka ugu horeeyay ee islaamka, bilaawga xilkiisa waxa uu wajahay Qabiilada Carabta oo diinta ka ridoowday iyo kuwo kale oo bixinta Sakada diiday, Ayadoo sidaas ah ayuu Abuu bakar ku adkeystan inuu diro ciidanka Usaama oo700 ahaa uu Nabiga scw horay ugu diyaarshay weerarida Ruum, waxey isku dayeen Murtadiinta inay weeraraan Madiina oo kaba taqalusaan dawlada islaamka [6], Abuu Bakar iyo Saxaabada waxay u diyaar garoobayn weerar kasta oo Madiina lagu soo qaado, wayna ka difaacayn qabiiladii weerarka ah, markii ay soo laabatayn ciidanka Usaama Abuu Bakar wuxuu toos u iclaamiyay Dagaaladii Ridada ciidanka muslimiinta ayuuna kala qeybiyay oo qeyba meel u diray, waxaana suurto gashay in laga wada adkaado dhamaan qabiiladii ridoobay oo ay ugu darnaayeen qolada Museylima Al-kadaab iyo Duleyxa bin Khuweylid.

oo sii dhmaanayeen Dagaaladii Ridada waxa uu shaaciyay Dagaaladii Ciraaq ee Faaris lagula jiray iyo Dagaaladii Furashooyinka Shaam iyo Masar ee Ruum lagu jiray, waxaa Madiina ka tagay oo qeyb ka noqday dagaaladaas saxaabo aad u badan, waqtigii Cumar iyo Cusmaan ayaa la furtay Shaam, Masar, Faaris, khuraasaan iyo Ifriiqiya, Muslimiin badan ayaana u soo guuray dhulalak cusub ee la furtay, waxayna ka dhiseen magaalooyin cusub, sida Basra iyo Kuufa.

Waxey ahayd Madiina caasimadii islaamka waqtigii Khulafada Raashidiinta markaas oo soo martay waqtiyadeydii ugu fiicnayd, waqtigii Cumar iyo Cusmaan waxaa balaarin lagu sameeyay Masjidka Nabiga scw ka dib markii uu dadka qaadi waayay. Betulmaalka ayaa la buuxsamay qaniimooyinka ka soo xarooda jihaadka, waxaana qof kasta loo qoray mushaar sanadle ah.

Sanadkii 35H waxaa yimid Madiina dad ka gadoodsan xukunka Cusmaan oo ka kala imaadeen Masar iyo Ciraaq, waxey ka dalbeen Cusmaan inuu xilka iska casilo, markii uu ka diiday waxey ku go'doomiyeen gurigiisa ugu dambeyn way dileen.

Dhacdadaan waxaa ka dhashay khilaaf weyn oo muslimiinta dhexdood ah, Cali bin Abii Daalib oo ahaa khaliifka cusub wuxuu la kulmay mucaarad badan, wuxuuna caasimadiis u raray Kuufa.

Waagii khilaafada Umawiyiinta

wax ka badal

Khilaafada markii ay soo gaartay Umawiyiinta waxey aad u daneeyeen Madiina ayagoo tix galinayo booskeeda xaga diinta, waxaana gudoomiye kasoo noqday ragii ugu muhiimsanaa ee Umawiyiinta, Sida Marwaan bin Xakam, Saciid bin Caas, Xajaaj bin Yuusuf iyo Cumar bin Cabdi Caziiz, waxeyna mudadaas soo saartay fuqhada iyo culumada islaamka kuwooda ugu magaca dheer, sidoo kale waxey xarun u ahayd ilmaha Saxaabada iyo Taabiciyiinta kuwooda ugu waaweyn.

Khilaafadii Waliid waxaa la balaariyay dhismaha Masjidka Nabiga, waxaana lagu soo daray guryaha Nabiga scw, sidoo kale qurxin ayaa lagu sameeyay. Khulafada waxey ahaayeen mar walba oo xajinayaan inay booqanayaan Madiina oo baahiyaheed indha indheenayaa.

Mid kamid ah dhacdooyinkii ugu foosha xumaa ee laga diiwaan galiyo Madiina xiligii Umawiyiinta waa Dhacdadii Xarra, Sanadkii 63H ayee ahayd markii odayaal reer Madiina oo kasoo laabteen Dimishiq khaliifka agtiisa ay u sheegeen dadka inay ku soo arkeen Yaziid wax asagoo kale Khaliif loogu aqoonsan karin, waa qof khamri cab ah oo salaadna tukan, waxey iclaamiyeen dadka reer Madiina kacdoonka ka dhanka ah Umawiyiinta ayagoo toos uga baxeen daacadood, Yaziid wuxuu soo diray ciidan uu hogaaminayay Muslim bin Cuqba, Madiina markey yimaadeen waxey ka geesteen xasuuq ba'an ayagoo baneestay sedex bari oo kufsi, dil iyo boob ka wadeyn, ka dib inta soo hartay waxaa lagu qasbay inay kula mubaayacoodaan Yaziid adoomo inay u yihiin oo soo doono ka yeelanaayo, markii dambe ciidanka Umawiyiinta waxey aadeen Makka oo ibni zubeyr ku sugnaa.

Laga bilaabo 65H ilaa 72H Madiina waxey ku jurtay gacanta ibni zubeyr, ilaa markii dambe ay soo ceshadeyn Umawiyiinta wax yar ka hor intaan Makka lagu go'doomin ibni zubeyr [7].

Xiligii Khilaafada Cabaasiyiinta

wax ka badal

Bilaawga Dawladii Cabaasiyiinta 145H\763 waxaa Madiina ka soo baxay Muxamad bin Cabdulaahi bin Xasan oo Ahlu-Beyt ahaa, Gudoomihii Cabaasiyiinta ayuu xabsiga dhigsy, wuxuuna kacdoonkiis halis galiyay xukunka Cabaasiyiinta, walaalkiis Ibraahiim ayaa asna ka soo baxay Basra, waxay qabsadeen magaalooyin badan sida Makka Waasid iyo Faaris, dad badan ayaana raacay. Abuu Jacafar khaliifka Cabaasiyiinta wuxuu isku dayay inuu hadal iyo balan qaadyo kusoo leexiyo hase ahaatee wax miro dhal ah ma yeelan [8], dagaalo badan ka dib waa la jabiyay Muxamad waana la dilay asaga iyo walaalkiis Ibraahiim.

Khulafada Cabaasiyiinta waxey ahaayeen inay ku tiriyeen reer Madiina mucaaradkooda ugu xoogan sidaas darteed aad bey ugu fiijignaayeen waxey raaceen siyaasad ah waxsiismo inay isku jeclaysiiyaan, Al-Mahdi wuxuu u qeybiyay dadka reer Madiina sanadkii 60H 30 Milyan Dirham oo uga timid Ciraaq, 300 kun diinaar oo uga timid Masar iyo 200 kun diinaar oo Yaman uga timid, mar kale wuxuu siiyay 150 kun oo dhar ah, Haaruun Al-Rashiid ayaa asne ahaa mar walba inuu u diraayo xoole badan dadka Xijaas, sanadkii 186H markii uu xajiyay Haaruun oo beycada uga qaaday dadka wiilashiis Amiin iyo Ma'muun, wuxuu u qeybiyay dadka hanti badan, Amiin ayaa asna sidoo kale u qeybiyay xoole kale, mar sedexaad Ma'muun ayaa hadana qeybiyay heer loo bixiyay "Sanadkii siismada".

Fadligeeda

wax ka badal

Astaamaha magaalada

wax ka badal
  1. أماكن تشرع زيارتها Archived Maaj 5, 2016 // Wayback Machine، مركز بحوث ودراسات المدينة، تاريخ الوصول 13 يوليو 2009 Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
  2. سورة الأحزاب - الآية رقم 13
  3. المكتبة الإسلامية، كتاب الجامع لأحكام القرآن، سورة الأحزاب، قوله تعالى: وإذ قالت طائفة منهم يا أهل يثرب لا مقام لكم فارجعوا تاريخ الوصول 13 يوليو 2009 Template:استشهاد ويب
  4. تاريخ المدينة المنورة (الأوس والخزرج) Archived Maaj 5, 2016 // Wayback Machine، مركز بحوث ودراسات المدينة، تاريخ الوصول 14 يوليو 2009 Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
  5. سُبحاني، الرسالة: أحداث السنة الأولى للهجرة النبوية الشريفة Archived Mey 24, 2012 // Wayback Machine Archived 2012-05-24 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  6. تاريخ الدعوة إلى الإسلام، ص280
  7. تاريخ الطبري - أحداث سنة 71 هـ Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
  8. Kala xiriir halkaan