Murdiso (far)
- Boga "Fardheer" halkan yaa laga soo toosiyay.
Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Reer aw xasan waa beel kamid ah) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.
AdeegsigaEdit
Farta murdisada ayaa loo adeegsada walax markii la tilmaamayo, sidoo Kale waxaa loo adeegsidaa hanjabaada ama goodiga, waxaa kaloo loo adeegsadaa sheegida hal walax.. ma tirada kow.
SalaadaEdit
MagacaEdit
magaca ayaa loogu bixiyay maadaama farta lagu tirto cuntada weelka ku dhegan ay tahay, woqooyiga ayaa looga yaqaanaa murdiso oo ka soo jeeda ereyga murdis oo ah tirasho, koonfurtana waxaa looga yaqaan murugsato waa eray ka yimid murugsi oo la macno ah murdis (tirasho)
Faraha DadkaEdit
Faraha Dadka |
Suul • Fardheer • Fardhexo • Farta Faraantigelis • Faryar |
Far (Af Ingiriis : finger; Reer aw xasan waa beel kamid ah) (wadar ahaan faro), waa xubno ka tirsan gacanta dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sida caadiga ah dadku waxay leeyihiin 20 farood, kuwaasi oo ku kala yaala labada gacmood iyo labada lugood. Gacan kasta iyo lug kasta waxay leeyihiin shan farood oo iskugu jira: Suul, fardheero (murdiso), fardhexo, faraantigalis (farta faadumo), iyo faryaro.
Faraha GacmahaEdit
SuulEdit
Suul (Af Ingiriis : thumb; Reer aw xasan waa beel kamid ah) waa xubin ka mid ah faraha shanta ah ee ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Suulku waa farta koowaad ee shanta farood. Sidoo kale, suulku waa farta ugu awooda badan ee ugu dhumucda iyo qarada weyn dhamaan faraha.
FardheeroEdit
Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Reer aw xasan waa beel kamid ah) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.
FardhexoEdit
Fardhexo (Reer aw xasan waa beel kamid ah; Af Ingiriis : middle finger) waa farta sadexaad ee gacanta dadka. Fartani waxay u dhexaysaa murdisada (murugsato) iyo farta faadumo (faraanti galis), sida badan waa farta ugu dheer faraha.
Fartaan iyo suulka markii la isku cadaadiyo ka dibna la sii daayo waxaa ka dhasha dhawaq dheer, oo loo adeegsado soo jeedin ama baraarujinta cid loo dan leeyahay taasi oo loo yaqaano Suuldhabaale (en: snapping).[1]
FaraantigelisEdit
Farta faraanti galis (Reer aw xasan waa beel kamid ah; Af Ingiriis : ring finger) (sidoo kale loo yaqaano farta faadumo) waa farta afaraad u dhexaysa far dheexadka iyo faryareeyda. Waa farta ugu quruxda badan faraha aadanaha saas ayaana keentay in la galiyo faraantiga ama fargashiga.
FaryaroEdit
Faryaro (Reer aw xasan waa beel kamid ah; Af Ingiriis : Little finger) sidoo kale loo yaqaano Faryareey, waa farta shanaad ee faraha ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka; waxayna ku xigtaa farta faraanti galis. Intaas waxaa dheer, in fartani tahay tan ugu yar faraha ugu wax qabadka yar.
Sidoo kale fiiriEdit
- Suul
- Murdiso (murugsato)
- far dhexo
- faraanti galis (faadumo)
- faryaro (faryareey)