Maxamuud Axmadi-Najaad, (Af-Faarsi: محمود احمدی‌نژاد), waa macalin jaamacadeed iyo siyaasi Iiraani ah.Waxa uu noqday mayarka magaalada Tahraan ee Iiraan xarunta u ah kadib waxa uu ku guulaystay in uu noqdo madaxwaynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan.Waxa ladooratay 2-8-2005.Kadib markii uu ka adkaaday ninkii latartamayay ee hashimi rafsanjani.Waxa dib loodoortay 12 july 2009 doorashadaas oo aad iyo aad loogu murmay.Kadib markii Najaad uu helan codadkii codbixiyaash 62% taasoo keentay in ay qaadacaan ragii latartamayay oo uu ugu cadcadaa ninka layidhaahdo miir xusen musawi oo sheegay in uu Najaad kushubtay laakiin ugudanbayntii.Kadib markii dibloo tiriyay codadkii qaarkamida waxaa la ogaaday in aan wax isdaba marinahi dhicin hasayeeshee intii doorashada lagu muransanaa.Waxaa dhacay isusoobaxyo iyo rabshado dhexmaray booliiska iyo dad doorashada ka cadhaysnaa.


NOLOSHIISII


Maxmuud Axmadi Najaad waxa uu dhashay sanadii 1956 waxa uu ku dhashay magaalada Garamsar ee gobolka Samnar.Waxa uu kadhashay reer iska faqiira aabihiina waxa uu ahaa bira tume amaba tumaal isaga oo yar ayuu reerkiisa u raacay xagaas iyo Tahraan waxana uu kasii watay wax barashadiisii.Kadib waxa uu helay shahaadada bakaloriyos sandkii 1979.waxa kale oo uu helay majesteer cilmiga iyo farsamada sanadkii 1989.

jagooyinkii uu dawlada usoo qabtay wax ka badal