Huuri (Af Ingiriis : Sewn boat) waa dooni kalluumaysi oo alwaax ka samaysan, labada dhinac loogu yeelo laba badeel oo lagu kexeeyo, huurigu ma laha matoor socodsiiya, huuriga ayaa loo taagaa marmar shiraac si loogu kaalmaysto xawaaraha socodka, waana marka hawadu u dhacayso halka loo socdo, huuriga ayaa afar mitir iyo ka yar ah, nooca ay soomaalidu samayso badanaa waxaa loogu talo galay labo qof.

3 Huuri oo dul sabaynaya biyaha Baraawe, Shabeelaha hoose
Qaabdhismeedka huuriga

Huurigu wuxuu ka mid yahay aaladaha dadku isticmaali jireen tan ilaa iyo bilowgii ilbaxnimada.[1] Waxaana cilmibaadhis lagu ogaaday in laga isticmaali jirey meelo badan oo dunida ah.

Dhisida iyo Samaynta wax ka badal

Dhisitaanka huurigu waa mid aad u fudud, waxaanu ku bilaabmaa habaynta iyo qoritaanka alwaaxyada laga dhisayo huuriga. Sida caadiga ah waxaa meelo badan oo dunida laga isticmaalaa alwaaxa jilicsan ee ku fiican qoritaanka iyo xardhida, kaasi oo inta ugu badan lakabyo kala duwan laga soo dhiso.[2]

Taariikhda wax ka badal

Huurigii ugu horeeyay ee ilaa hada la ogyahaya waxaa lagu qiyaasay mid leh dherer dhan 40 mitir kaasi oo lagu isticmaali jiray boqortooyadii faraacinta ee dhulka maanta loo yaqaano Masar wakhti imika laga joogo ilaa 4600 sano.

Tixraac wax ka badal

  1. McGrail S. and Kentley, E., 1985. Sewn plank boats: Archaeological and Ethnographic papers based on those presented to a conferences at Greenwich in November 1984. National Maritime Museum, Greenwich
  2. McCarthy, M., 2005. Ships' fastenings: from sewn boat to steamship. Texas A&M University Press. ISBN 1-58544-451-0