Galinsoor, sidoo kale loo qoro Gelinsoor, waa magaalo ku taala badhtamaha gobolka Mudug ee koonfurta Soomaaliya.

Galinsoor
Magaalo
Script error: The function "Somaliland" does not exist.
CountryWanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
MaamulkaMudug
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)


Hordhac

Magaca Galinsoor micnihiisu waxaa uu yahay Galin oo ah maalin barkeed sida galab ama subax, iyo soor oo ah Martiqaadid Qof marti ah ama dad badan,( Micnaha oo kooban waa si wanaagsan u Martiqaadid iyo soo dhaweyn dad Marti ah) waa magaalo ku taala waqooyiga ee gobolka Galgaduud.Magaaladaan waa magaalo Muhiim ah sababtoo ah waxaa marta wado taariikhi ah oo isku xirta Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, Degmada Galinsoor waxaa dega Beelo somaliyeed.

Taariikh

Galinsoor waa magaalo ka mid ah magaalooyinka maamulka Galmudug, waxayna ku taala Waqooyiga Gobolka Galgaduud, waa magaalo Muhiim ah, waxaana mara laamida isku xira Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya,magaalada Galinsoor waxaa Waqooyi ka xiga Bandiiradley, Koofurtana Cadaado, Galinsoor waxaa ku yaalo Labo iskuul, hoose dhexe iyo Sare, iskuulka hoose dhexe waxaa loogu magac daray allaha u Naxariistee Gen. Maxamed Faarax Caydiid, Magaalooyinka hoos taga waxaa ka mid ah, Bandiiradley, Dhabad, Mircawleed, Dacdheer, Deeqlo, Gaxandhaale, Dhardhaar, Tuulo Qorax, Wadd iyo Tuulooyin Badan, dadka Degmada Galinsoor waxay nolol ahaan ku tiirsan yihiin Xoolaha nool iyo Ganacsi, Galinsoor waa Magaalo ay daashadeen Colaado sokeeye laakin hadda waxay noqotay magaalada ugu horeysa Gobolada dhexe Xaga ammaanka,Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana dadaal iyo Juhdi ay galiyeen dadka deegaanka gaar ahaan Jaaliyada Dibada iyo Dhalinyarada, kuwaasoo aas aasay, iskoolo wax lagu barto, General Caydiid Primary and Secondary School ayaa kaalin muuqata ka qaatay Waxbarashada Degmada.

Hadaba magaalada Galinsoor waxaa dagan beesha Habar Gidir gaar haan Saleeban & Sacad .waana magaalo saaran laamiga oo u dhaxeyso magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

Tixraac