Gaaca
Gaaca, Ga'a; waa deegaan aad quruxsan oo soo jiidasho leh waxay Isugu jirtaa Beero iyo goob dalxiis oo dabiici ah oo leh ilo Biyoodyo aan go'in, Warro biyo jiifeen ah, Biyo dheceeno, Beero, Biyo qulqulaya oo macaan iyo Kaymo waaweyn oo jiq ah oo dalxiiska iyo tamashlahaba ku wanaagsan, Ishana u roon[1]. Gaaca waa deegaan barwaaqo ah waxaana ku nool Duur joog farabadan oo ay kamid yiihiin ugaadha noocyadeeda kala duwan, Noocyada shimbiraha dalka iyo noocyo badan oo Duur joogta qaybeheeda kale duwan ah.
Gaaca | |
---|---|
![]() | |
Script error: The function "Somaliland" does not exist. | |
Meesha ku taalo | |
Wadanka | Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:
1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda. Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah. Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose. Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. |
Meesha | 30 KM ka xigta dhanka koonfureed Bari Magaalada Boosaaso |
Waxay ku taal Togga weyn ee Baalade, 30 KM ayeey dhanka koonfureed ka xigtaa magaalada Boosaaso. Gaaca waxay ka mid tahay meelaha ugu caansan ee loo dalxiis tago, waxaana aad u booqda dalxiisayaal Ajaanib & soomaali.
Barxadda Gaaca
wax ka badalBarxadda Gaaca waxay ku taal Ka soo horjeedka Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, Jihada Galbeed ayeey Kaa qabaneysaa Marka la joogo Dhismaha Kowaad ee Dowladda Hoose ee Boosaaso, Barxadda Gaaca (Gaaca Square) Waa Fagaaraha Ugu ee Caansan Magaalada Boosaaso, Bartamaha barxadda waxaa ku yaal Aargada Magaalada, waxay ku taal meel 4 Wado Isugu yimaadaan Waana Goobta kowaad ee dadweynuhu Isu Taggaan Xilliyada Fantasiyaha, Isu soobaxyada, Iidaha IWM. Dhismayaasha caaradka ku haya Barxadda qaybtood waxay magac wadaag la yihiin Barxadda Sida Dabaqa Gaaca oo ka mida Saraha ugu ku hareeraysan Barxadda.