Deegaanka Baalade waa deegaan aad u balaaran oo qaybo deegaan oo kala duwan leh, meelaha ugu muhiimsan deegaanka baalade waxaa ka mida Toga weyn ee baalade oo lafdhabar u ah guud ahaan deegaanka, Ceelasha baalade oo tiro badan, aaga Gaaca oo ah aag dalxiiska ku wanaagsan oo leh ilo biyoodyo aan go'in, Warro biyo jiifeen ah, Biyo dheceeno, beero iyo kaymo waaweyn oo dalxiiska iyo tamashlahaba ku wanaagsan, Deegaanka baalade wuxuu leeyahay ugu yaraan ilaa 120 (toddobo boqol) oo beerood oo isugu jira

  • Beero Cawsaadyo
  • Beero Khudaareed Waqtiile ah Iyo
  • Beeraha waaweyn ee ma guurtada ah ee geed miroodku ka boxo.
Baalade
Script error: The function "Somaliland" does not exist.
Meesha ku taalo
WadankaWanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
MeeshaCalmiskaad
Macluumaad kale
Gacanta ku hayaDeegaan Beeleed
sawir laga qabtay deegaanka balade 1880-1881

Waxaa kaloo deegaanku leeyahay ilaa 200 oo Xijji oo Isugu jira Beeyo & Maydi Iyo Inta badan geed xabkeedyada kale ee kala duwan.

Deegaanku wuxuu leeyahay maraaxil (Fariisino) so jireen ah oo badeecadaha lagula kala wareegi jiray walina lagula kala wareego, waxaana ka mida maraaxishaas

  • Fariisinka Gubato
  • Fariisinka Gerible
  • Fariisinka Isha gaaca
  • Fariisinka Ceelasha Baalade.

Deegaanku wuxuu leeyahay dhowr tuulo waxaana ka mida

  1. Tuulada Conqor
  2. Tuulada Ri'yi heshay
  3. Laas deero Oo hoostaga deegaanka Iyo
  4. Tuulada Gerible

waxaa kaloo jira Meelo aad u fara badan oo la deegaamaystay Aanse heer tuulo gaarsiisnayn wali,

ilaha toga baalade waxay ka soo shubmaan buuraha kore ee soo foorora ee deegaanka habeeno.

Waxaana loogu magacdaray deegaanka iyo deegaanadiisa qaybo badan oo magaalada Bosaso gudeheeda ka mida sida Barxadda magaalada oo loogu magacdaray Gaaca oo ah Aag ka mida deegaanada deegaanka, Xaafada baalaade, saldhiga baalade, suuqa baalade, Iskoolka baalade, wadada baalade, meelahaan iyo meelo kale oo aad u fara badan.

Deegaanku wuxuu dhab ahaan qiimo badan u leeyahy nolosha ka jirta magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda, Boosaaso oo ah magaalo xeebeed deked ah Ajaaniib iyo Soomaali fara badani u soo ganacsi iyo xoogsi doonteen ayaa deegaanka Baalade iyo deegaanadiisu waxay qabilaan xilliga Bad xiranka ee aysan waxba dhoofin dhammaan xoolaha kala duwan ee ku xayirma Maxjarada iyo xerooyinka magaalada ee badu ka xirantay dhulal cawsaadyada kaydsan ee deegaanku si waafi ah ayeey ugu filan yihiin dhamaan xoolaha dhoofka ka baaqday tan iyo inta la gaarayo xiliga bad furanka xiga, Runtiina arintaani muhiimad weyn bey u leedahay samata bixinta dhaqaalaha iyo duunyada ummada soomaaliyeed Iyo in bosaso ahaato magaalo ganacsi ee soomaaliyeed oo leh damaanad qaad nolosha iyo quudka Xoolaha.

Dhanka kale deegaanka waxaa ku yaal Ceelka shirkada Gumco oo ah shirkada keliya ee biyaha siisa magaalada bosaso dhowaanna waxaa la fili karaa in Isha weyn ee Gaaca oo ah qaybta dhexe ee deegaanka la gasoo qabto biyo nadiif ah oo macaan oo magaaladu cabto.