Barxadda Gaaca

Barxadda Magaalada Bosaso

Barxadda Gaaca waxay ku taal Ka soo horjeedka Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, Jihada Galbeed ayeey Kaa qabaneysaa Marka la joogo Dhismaha Kowaad ee Dowladda Hoose ee Boosaaso, Barxadda Gaaca (Gaaca Square) Waa Fagaaraha Ugu ee Caansan Magaalada Boosaaso, Isla markaasna waa Fagaaraha keliya ee Magaaladu Leedahay. Bartamaha Barxadda waxaa ku yaal Aargada Magaalada, waxay ku taal meel 4 Wado Isugu yimaadaan Waana Goobta kowaad ee dadweynuhu Isu Taggaan Xilliyada Fantasiyaha, Isu soobaxyada, Iidaha IWM. Dhismayaasha caaradka ku haya Barxadda qaybtood waxay magac wadaag la yihiin Barxadda Sida Dabaqa Gaaca oo ka mida Saraha ku hareeraysan Barxadda. Isgooyska Barxadda Gaaca waa kan ugu mashquulka badan Magaalada. waana mid ka mida Isgooysyada ugu mashquulka badan guud ahaan wadanka soomaaliya.

Barxadda Gaaca
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
Meesha ku taalo
Wadanka Somalia
MeeshaBartamaha Magaalada Boosaaso. Ka Soo Horjeedka Xarunta Kowaad ee Dowladda Hoose- Boosaaso
Macluumaad kale
Gacanta ku hayaDowladda Hoose ee Boosaaso