Dhul-badeed (Af-Ingiriis: territorial waters) ama (Af-Ingiriis: territorial sea) waa qayb kamid ah badda oo ah hanti uu leeyahay dal, taas oo la mid ah dhulka berriga ee dal, sida magaalada ka mid ah dalka ama gobol ka mid ah dal ama degmo. Waa dhulbadeed uu leeyahay dal xeeb leh, wax kasta oo ku jirana uu dalkaasi leeyahay, sida shidaalka, macdanta, kalluunka iyo khayraad kasta oo kujira, waxa dali leeyahay hawada ka saraysa dhulka badda ka hooseeya kana sarreeya, waa dhul-badeed aan dal kale kula lahayn. Tusaale Soomaaliya Dhul-badeed waa 200 nautical miles (mayl-badeed). Waa aag aysan soo geli karin maraakiib dagaal ee shisheeye oo aan ogolaansho cad ka haysan dalka xeebtaas leh.

Waa dhulka ka baxsan aagga dhaqaalaha oo lagu calaamadiyay cirdhow furan.