Boga "girgire yare" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Dabqaad, sidoo kale loo yaqaano unsi iyo girgire, waa girgire yar oo loo isticmaalo in lagu shido uunsiga, fooxa, bourtka iyo dhamaan noocyada bukhuurka ee la shido. Noocyo badan oo kala duwan ayaa jira, laakiin kuwa ugu isticmaalka badan waa girgire yar oo qaarkood dhego leh, kuwo kale aan lahayn wax dheg ah, kaasi oo laga sameeyay dhoobo.

Muuqaalka dabqaadka, aalad caan ka ah deegaanada Soomaaliya iyo Jabuuti

Isticmaalka wax ka badal

Dabqaadka waxaa laga isticmaala dhamaan xaafadaha bulshada Soomaaliyeed, waxayna ka mid tahay dhaqanka dadka Soomaalida.

Samayska wax ka badal

Sida caadiga ah dhamaan girigireha waxaa laga sameeyaa dhoobada oo lagu qasay xooga sibidh ah. Dabqaadka waxaa laga sameeya nooc khaas ah oo dhoobo ah taasi oo laga helo Koonfurta Soomaaliya..[1]

Bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanada qurbaha waxay aad u codsadaan in loo soo diro dabqaad.


Noocyo kale wax ka badal

Dabqaadka waxaa aad ugu qaab iyo samays dhow girgire loo yaqaano mabkhara, kaasi oo laga isticmaalo gayiga Carabta.

Sidoo kale arag wax ka badal

  • Bukhoor
  • Mabkhara
  • Frankincense

Tixraac wax ka badal

  1. Abdullahi, pp.98-99

Cadaymo wax ka badal