Isaaq
Fiiro gaar ah: Kani waa maqaal ku saabsan beel (qabiil), fadlan dhexdhexaad ka ahoow qoraalkaaga |
(Isaaq ama Isaxaaq)[1] (guud ahaan loo yaqaano Reer Sheekh Isaxaaq) waa beel ka mid ah Dadka Soomaalida ee ku dhaqan Jamhuriyada Somaliland. Waxaanay deegaan ahaan ku dhaqan yihiin Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti.
Meelaha ay ku badan yihiin | |||
---|---|---|---|
| |||
Luqada | |||
Diinta | |||
Dadka ay dhalyo wadagaan | |||
Dir, iyo Dadka kale ee Soomaalida |
Taariikh
Sida ku xusan buugaag wakhtiyo hore la qoray iyo Dhaqan Soomaaliga, beesha Isaaq waxay ka soo tafiirmeen Sheekh lagu magacaabi jirey Sheekh Isxaaq ibn Axmed [2] kaasi oo la sheegay inuu asal ahaan ka soo ambobaxay wadanada Carabta wakhti lagu qiyaaso intii u dhexaysan qarnigii 12aad ilaa qarnigii 13aad.Shiekh Ishaaq waa Dir,gaar ahaana waa Maha Dir.
Intaas waxaa dheer, Sheekhu wuxuu guursaday labba gabdhood,ku waasoo kala aha, Habarmagado iyo Habar xabuusho, kuwaas oo ay ka soo tarmeen sideeda ilma Shiekh Isxaaq .[3][4]
Xubnaha Beesha
Sheikh Isxaaq Bin Axmed[5] waxaa ka soo tafiirmay reeraha hoos ku xusan:
1. Habar Xabuusheed(Haberjeclo)
- Axmed (Tol-Jeclo)
- Muuse
- Ibrahiim (Sanbuur)
- Mahammad (‘imraan)
2. Habar Magaadle
- Habar Awal(Abdirahman)
- Ayub
- Muhammud (Arap)
- Garhajis(Ismaciil)[6]
- Habar Yonis
- Eidagalle
Deegaan
Isaaqu wuxuu dagaa dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Somaliland sidokale gobalka Naivasha Kenya, iyo Kililka shanaad ee somalida Itoobiya. Deegaan ahaan, wuxuu isaaq soohdin qabiil la leeyahay Ogaden dhinaca koonfureed, iyo Gadabuursi dhinaca galbeed, dhinaca waqooyi yemeni iyo dhinaca bariga wuxuu Isaaq soohdin la leeyahay Harti
Dadka Caanka
- Madaxweynihii hore jsl Abdirahman Ahmed Ali Tuur
- Madaxweynihii hore jsl
- Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal|maxamed xaaji ibraahim cigaal
- Madaxweynaha jsl Axmed Maxamed Siilaanyo
- Madaxweynaha Jsl Muuse Bihi Abdi
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ Burton Richard Francis First Footsteps in East Africa 1856 Longman, Brown, Green & Longmans London
- ↑ Blood and Bone: The Call of Kinship in Somali Society, Lewis Ioan. M. The Red Sea Press Inc. 1994 Larwenceville, NJ
- ↑ Rima Berns McGown, Muslims in the diaspora, (University of Toronto Press: 1999), pp. 27–28
- ↑ I.M. Lewis, A Modern History of the Somali, fourth edition (Oxford: James Currey, 2002), p. 22
- ↑ I. M. Lewis, A pastoral democracy: a study of pastoralism and politics among the Northern Somali of the Horn of Africa, (LIT Verlag Münster: 1999), p. 157.
- ↑ Lewis I.M. A Pastoral Democracy: A Study of Pastoralism and Politics Among the Northern Somali of the Horn of Africa 1999 International African Institute
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |