Axmed Da'ud Oglo
Axmed Dafutoglu Waa Ra'iisulwasaarahii hore ee dalka Turkiga intii u dhexeysay Agoosto 2014 ilaa May 2016. Waxaana xilkaasi loo xushay taariikhdu markay ahayd 29 Agoosto 2014. Waa aqoonyahan, diblumaasi ah, wuxuu horey usoo qabtay xilal ay ka midyihiin wasiirka arimaha dibadda iyo madaxa latiliyaha ra'iisulwasaarihi hore, hadana ah madaxweynaha Turkiya Rajab Dayib Erdogaan.
Ahmet Davutoğlu MP | |||
Axmed Da'ud Oglo
| |||
Ra'isulwasaraha 26aad ee Turkiga
| |||
Ka qabtay xil 28 August 2014 – 24 May 2016 | |||
Madaxweyne | Recep Tayyip Erdoğan | ||
---|---|---|---|
Kuxigeenkiisa | Golahii 1aad (2014–15)
Golahii 2aad (2015)
Golahii 3aad (2015–16)
| ||
Xilka kaga horeeyey | Recep Tayyip Erdoğan | ||
Xilka kaga dambeeyey | Binali Yıldırım | ||
Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta
| |||
Ka qabtay xilka 27 August 2014 – 22 May 2016 | |||
Kaga horeeyey xilka | Recep Tayyip Erdoğan | ||
Kaga dambeeyey xilka | Binali Yıldırım | ||
Wasiirkii 42aad ee Arimaha Dibadda Dalka Turkiga
| |||
Ka qabtay xilka 1 May 2009 – 29 August 2014 | |||
Ra'iisul wasaare | Recep Tayyip Erdoğan | ||
kaga horeeyey xilka | Ali Babacan | ||
kaga dambeeyey xilka | Mevlüt Çavuşoğlu | ||
Xubin Baarlamaanka Turkiga
| |||
Sii ahaaday Xilkiisa | |||
Ka haya Xilka 12 June 2011 | |||
Wareega doorashooyinka | Konya, June 2015, Nov 2015) | ||
Macluumaad gaar ah
|
|||
Ku dhashay | Konya, Turkiga | 26 Febraayo 1959||
Xisbi siyaasadeed | Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta | ||
Is guursadeen | Sare Davutoğlu (1984–Hadda) | ||
Caruur | Sefure Meymune Mehmet Hacer Bike | ||
Waxbarasho jaamacadeed | Jaamacadda Boğaziçi | ||
Diinta | Sunni Islam | ||
Saxiixa |
Taariikh Nololeed
wax ka badalMudane Axmed Dafutoglu wuxuu ku dhashay Degmada Taşkent ee gobolka Konya ee dalka Turkiga sanadku markuu ahaa 26 Febaraayo 1959.
Brofesoor Axmed Dafutoglu wuxuu waxbarashadisii hoose, dhexe iyo sare ku qaatay magaalada Istanbul, kadibna wuxuu ku biiray Jaamacadda Boğaziçi halkaasoo uu ku qaatay shahaadada heerka 1aad ee jaamacadda barashada dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah, halka masterkana uu ku qaatay maamulka iyo maareynta, sanadkii 1984 ayuu dhameystay tacliinta sare ee phdiiga asagoo ku diyaariyey Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga. Intaas ka dib wuxuu bare jaamacadeed kasoo noqday jaamacadaha: Marmara, Bilkent iyo jaamacadda Islaamiga ee Maleeysiya.
Ra'isulwasaare Dafutoglu siyaasada ka sokow waa cilmi baadhe waxaa uuna qorey in kabadan 200 oo boog oo siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iwm isugu jira. Waxaana ka mid ah buugiisa caanka ah ee saamaynta balaaran kuleh siyaasadda arimaha dibadda dalkaasi ee lagu magacaabo Istiraatiijiyadda Qotodadheer.