Tirooyinka Abyoone waa tirooyin ay suutowdo in loo qori karo iyadoon la adeegsan Jajab ama hakad tobanaale, waxayna noqonaysaa urur tirooyin abyoone -taasoo ka dhigan Hormo urur ka tirsan urur tiro maangal ah - laga soo bilaabo Tiro tirsiimo (1, 2, 3, ..) iyo Eber iyo tirooyinka taban ee ku beegan tirooyinka tirsiimaha (-1, -2, -3, ..), waa in ay ahaadaan ururta tirooyinka abyoone Urur makoobane waxayna la mid yihiin urur tirooyin tirsiimaha, sida caadiga ah waxaa loo suntaa xarafka Z.

Sumadda tirada abyoone (sumadaas waxaa laga soo dhexsaaray oraahda Zahlen taasoo loola jeedo tirada ee Af-Jarmal).
Wuu ka fagaadaa tiro kasta ee abyoone tarada kale ee abyoone ee ku xigta fogaan sugan Xariiq tiro (tirooyonka abyoone aan tabanaha ahayn waxaa lagu muujiyey midab cirdhow furan, halka lagu muujiyeytirooyinka abyoone ee taban midab cas ama guduudan).

Kuwaan soo socdana waa wax ka mkid ah aas aaska gaarka ah ee isugeynta iyo isku dhufada abyoone kasta a, b iyo c.

Astaamaha isugeynta iyo isku dhufashada ee abyoone
Isugeyn Isku dhufasho
oodnaan: a + b waa abyoone a × b waa abyoone
Hormogalnimo: a + (b + c) = (a + b) + c a × (b × c) = (a × b) × c
Xeerka kala-hormarinta: a + b = b + a a × b = b × a
Jiritaanka ah Asalmadoorshe: a + 0 = a a × 1 = a
Jiritaanka ah Weydaarka kutirsane: a + (−a) = 0 Weydaarka kutirsane sida caadiga ah maba jiro.
Kala dhigid: a × (b + c) = (a × b) + (a × c) iyo (a + b) × c = (a × c) + (b × c)
No Qaybiye eber: (*) Haddii a × b = 0, kadib a = 0 ama b = 0 (ama labodooda oo isla jira)