Xulbad

Faa iidada ay leedahay xulbada

Xulbad (Af Carabi : arAf Ingiriis : Fenugreek) waa Geed dhireed ka mida bahada xulboleyda, asalkeeda waxay ka soo jeeda afrikada bari iyadoo ka dib ku faaftay dhulka jasiirada carabta ilaa dunida, waxaa aad looga isticmaala dunida islaamka, badankood, itoobiyaanka ayaan caan ku ah cabida iyo cunida miraha xulbada,

Hab samayska geedka xulbada, caleentiisa iyo mirihiisa
Caleenta Xulbda

Wax tarka Xulbada wax ka badal

Xulbadu waa geed daaweed faaido badan u leh biniaadanka, xulbadu waxaa ka buuxa borotiin iyo maadada loo yaqaanno Fosfoor, waxayna faaidadeeda nafaqo u dhigantaa beerka nibiriga maadaama boqolkii garamba ay ku jirto 4400 milligram oo borotiin.

 
Miraha Xulbadda

100-kii garaam ee xulbo ah waxaa ku jirta nafaqo ahaan:

  1. 6000 Milligram oo carbohydrate ah
  2. 4400 Milligram oo borotiin ah
  3. 900 Milligram oo dufan ah
  4. 395 Milligram oo calcium ah
  5. 51 Milligram oo foosforas ah
  6. 1.93 Milligram oo bir ah
  7. Energy u dhigmo 49 Kilocalories
 
Beeraha Methi

Karinta wax ka badal

Xulbadu markii la kariyo waxay faaido u leedahay nafaqaynta iyo in ay wax cayiliso.

Markii la karkariyo waxaa loo cabi karaa calool xanuunka iyo feero xanuunka.

Waxaa kaloo faaido fiican u leedahay gabnaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.

Markii la rabo in ay cunnada furto, 30 gram oo xulbo ah ayaa waxaa lagu daraa 1 litir oo biyo karkarsan waxaana la cabaa cunnada nus saac ka hor si ay cunnada uga caawiso xagga shiidka iyo ka faaideysiga jirka.

Saliideeda wax ka badal

Haddii saliid laga dhigo faaidadeeda waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.

Daawo ahaan wax ka badal

Waxaa kaloo lagu daaweeyaa nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo, waxaa kaloo daawo u tahay calool adeegga iyo babaasiirta.

Haddii lagu luqluqdo waxuu daaweeyaa qumanka, haddii la isku huuriyane wuxuu yareeyaa qufaca siyaadada ah.

Halis u ahaansheheed uurka wax ka badal

Haddii aad leedahay uur, ha qaadanin xulbada waxay saameyn kartaa korriinka maskaxee ee uur jiirka, sonkortaada way ridi kartaa, minkane way maroojin kartaa oo foosha ayay soo dadajisaa.[1]

Tixraac wax ka badal

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2015-10-17. Soo qaatay 2016-06-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)