Degmada Xerojaale waxay dhacdaa galbeedka Gobalka Mudug waxayna u dhaxay saa degmada Galdogob iyo Beyra waana magaalo qadiimi ah oo aad ku arkayso wax yaabo layaab sida dhisme hore, waxa kale oo ay leedahay dugsi hoose dhexe iyo sare iyo xarun isgaarsiin sida golis telecome, degmada waxaa dega Beelweynta Kuulbeyr (madhibaan) Waa Qabiil si weyn looga yaqaan gobolka Mudug iyo Guud ahaan Puntland waxaa ka dhashay rag taariikh culus ku leh deegaanka iyo Soomaalida.

degmadan ayaan in badan waxay ahayd mid aan ladegin xilayadii gumaystaha dalka uu qabsanyey wakhtigaas waxay ahayd meel furin ah halka markii soomaalidii hore ay ku dagaalami jireen

Dhanka kale Degmadan Xero jaale ayaa sida aad magaca aad ka dareemayso ah meel doog badan oo illaahay ku manaystay waxaana hada degmadaas ku sugan dadkii u dhashay deegaankaas oo markii horana daganaa waxayna degmadan dhismatay wakhtigii dawlada dhexe ee soomaaliya ay wadanka ka ariminaysay iyadoo xilaagaa aan loo aqoonsanay Degmo laakiin wakhtigan waxay ka tirsan tahay degmo katirsan Gobalka Mudug.

In kasta oo aan wali xaqii degmo ahaan aanay wali ka helin Puntland intaas waxaa u sii dheer colaad iyo xaglin kaga Timaada dhinacyada kalle intii madax soo martay dalka markii laga reebo dowladii dhexe ee dalka mohamed siyaad bare oo taariikhda galay waxaa la sheegaa in baraagtii ugu horeysay uu dhisay siyaad bare intaas ka dib madaxda puntland inta soo martay xukunka waxaa taariikh wanaagsan ka galay mudane madaxweyne abdi wali ali gaas oo xaqiiqdii u hiiliyay dadka iyo deegaankaas waxa uu booqday degmada xero jaale ilaa 5 jeer meesha madexdii ka horeysay aysan xitaa soo hadal qaadin iyadoo dastuurka puntland ay ku xusan tahay cadaalad u samaynta deegaamada puntland, Mudame abdi wali gaas waxaan u heynaa mahad naq iyo abaal taariikhda ugalay.





Faysal sheekh said USA Mercyexpressllc@gmail.com aalotimacad@hotmail.com