Wikipedia:Xeerka Tirtirka

[[file:|link=|px25]]
Fiiro gaar ah: Maamulka wuxuu awood u leeyahay inuu tirtiro maqaalo iyo bogag ku jira Wikipedia, iyo in uu dib u soo celiyo bog horay loo tirtiray hadii uu u arko inuu faa'iido leeyahay. Awoodaasi waxaa loo siiyay maamulka si ay u ilaaliyaan sharciga iyo waxtarka akhbaarta meeshan la soo gelin karo isla markaana loogu xad-gudbin kuwa kale. Hadii ay jiraan tirtiraad aad ku qanci weydo waxaad si toosa ah ugu soo bandhigi kartaa barta bulshada, waxaad la xidhiidhi kartaa Wikipedia:Maamulka.

Xeerka Tirtirka Wikipedia wuxuu qeexayaa (sharaxayaa) sida bog aan ku haboonayn meeshan loo tirtirayo ama looga saarayo diiwaanka maqaalada iyo bogaga u bandhigan bulsho weynta. Sida caadiga ah, maalin walba waxaa la tirtiraa (masaxaa) bogag iyo maqaalo aad u badan, kuwaasi oo iskugu jira afxumo, anshax-daro, faa'iido la'aan, dacaayad, been iyo buunbuunin.

Marka bog ama maqaal la tirtiro waxaa meesha ka baxa dhamaan wixii macluumaad la xidhiidhay bogaasi ama maqaalkaasi, taasi waxaa ka mid ah taariikhda boga, wadahadalka, sawirada, tixraaca iyo dhamaan linkiyada kale ee ku xidhnaa bogaasi. Boga waxaa calaamadayn kara dhamaan isticmaalayaasha gudagalaha leh ee gudaha ku jira, laakiin waxaa awooda tirtirka iska leh Maamulka oo keli ah. Sidoo kale, Wikipedia Soomaali wuxuu leeyahay xarun lagu keeydiyo dhamaan bogaga iyo maqaalada la tirtiray, kuwaasi ood ka heli karto deletion log.

Sababaha wax loo tirtiroEdit

Sababaha bog ama maqaal loo tirtiro waa kuwo badan, waxaana ka mid ah:

  1. Dhamaan qoraalada anshax darada ah, sida caayda, afxumada, dacaayada iyo weerarka qeexan.
  2. Qoraalada xuquuqdooda dad kale leeyihiin, sida buugaagta iyo wixii leh xuquuq dhowran.
  3. Bogaga u qoran qaab aan cilmiyaysnayn.
  4. Dhamaan bogag xayaysiiska ah.
  5. Qoraalada u janjeedha dhinac.
  6. Boga uu qof ka qoro naftiisa ama qof kale oon caan ama muhiim ahayn.
  7. Maqaalada horey loo qoray ee mar labaad lagu celiyo.
  8. Boga leh ciwaan bog kale.
  9. Maqaalada laga qoro beel, reer, qabiil kuwaasi oo la afxumaynayo ama aad loo amaanayo.
  10. Dhamaan maqaalada aan faa'iido u lahayn bulshada.
  11. iyo kuwo kale oo badan.