Wikipedia:Maxaa bogga aan sameeyay loo tirtiray?

Boggaan waa hagista Wikipedia. Waana wax ku salaysan waano soona dhweynaysa guud ahaan wax bedeleyaasha mana ahan qodoobbo rasmi ah sida xeerarka, laakiin waxaa lagula talinayaa mar waliba in la raaco.
Wax waad ka bedeli kartaa ama ku kordhin kartaa qodobbo kasta halkaan haddii aad hesho Is-afgarad ku saabsan ee ka yimid Bulshada, Waxaa kuu suurtowda in aad ka dooddo dhanka Goob si aad u hesho soo jeedin ku saabsan.
img_frameless
img_frameless

Waa la tirtiraa wax kasta ee ka soo horjeeda xeerarka wikipedia, arrinkaasina wuxuu ku dhacayaa habab waafaqsan xeerka tirtirista, ama xeerarka tirtirista degedegga. ujeedada weyn ee laga leeyahay tirtirista maqaallada waa dhowrista waxa ku jira Encyclopedia, dayactirkeeda, ka ilaalinteeda qasawadayaasha, ama qodobbo aan ku habboonayn, ama kuwa aan la jaan-qaadi karin xaaladda Wikipedia.

Marka la tirtiro maqaal, Taasi macnaheedu maaha in aan la heli karin wixii ku qornaa weligeed, waxaaba la galinayaa keydka, awoodda tirtirista waxaa iska leh oo kaliya maamulka, waxaa wax la tirtiraa si la ogyahay, sidoo kale waxaa baaris iyo dabagal lagu sameeyaa dhammaan maqaallada cusub inta aan la tirtirin ka hor, tirtirista loo ma adeegsado robot, ama qalab aan dadka ahayn.

Waxa ka tirtirista wikipedia maaha qaab iskaga raadi ah, ama hadabka qadarinta, ama sida ay la noqoto; ee waa hab lawada ogyahay, sidoo kale ma dhaceyso ujeedo aargoosi ama ujeedooyin fakar ama siyaasad ama madhab; maxaa yeelay dhamaan maamulka waxa ay ku soconayaan hab sugan oo kooban oo ay isla garteen Bulshada Wikipedia.

Sidee loo tirtiraa maqaallada? wax ka badal

Waxaa jirta laba hab:

  1. Tirtiris degdeg ah: Maqaalku haddii uu khilaafsanyahay waxa uu soo hoos galayaan habka tirtirista degdegga ah mana la xallin karo, maamuluhu wuu tirtirayaa xilli karta asigoo aan ku wargelin, ama aan ohaysiinin ruuxii qoray.
  2. Tirtirista caadiga ah: Marka hore waxaa la furaa wadahadal, wadahadal iyo su'aalo kaddib, waxaa loo qabanayaa muddo si xal looga gaaro, marka la isweydaarsado aragtiyada kaddib waxaa la gaarayaa go'aan.

Maxaa maqaalka loo tirtiray wax ka badal

Waxaa jirta sababo badan ee ku cad Xeerka tirtirista deg degga ah, Sababahaas waxaa ugu waaweyn:

  • In laga waayo waxa muuqda: taasoo ah macnaheeda (Ahamiyadda + Caan); waa in uu noqdaa qodobka maqaalka mid lawada yaqaan, muhiimad sare, waxaa laga rabaa in ay jiraan xigasho madaxbannaanlaguna kalsoonyahay ee caddaynaysa caannimadiisa, sababtoo waxaa jira marmar dad wax ka hora shaqsiyaddiisa, ama saaxiibadood iyo qaraabadooda, ama shirkadahooda, ama website qaab dhib ku ah Encyclopedia maxaa yeelay Wikipedia maaha sida baraha bulshada waa laga oggolyahay wax walba; sidaa daraadeed qofka waa in uu ahaadaa - Ururka - Website - Buugga .. IWM ee muujinaya ahamiyadda (Dawlad - Cilmi - Taariikhi - Xisaab - Diin) ahna wax caan ah lagana yaqaan xagga warbaahinta.
  • Qoraal xayeesiin ah: Dadka qaar waxa ay moodaan wikipedia meel wax lagu xayeesiiyo ama buunbuunin, sida guud dacaayadda waa ka mamnuuc insaykalobeediyaha haba ahaadaan ururro samafal ama NGO, sidaa daraadeed maqaal kasta ee u qoran qaab xayeesiin waa la tirtirayaa (haba ahaadee xayeesiin toos ah, ama mid dadban).
  • Wax ka qorista reeraha iyo qabiillada Nasiib-darro dabeecadda ku faanista qabiilka waxaa laga helaa qaybo ka mid ah bulshada sidaa daraadeed waxay wax ka qorayaa reerahooda iyo qabiilkooda, laakiin lama diidana dhammaan (waxaa jirta shuruuddo kooban). mana ahan wikipedia meel arrinkaas loogu talo galay; sidaa daraadeed qoqys kasta ama qabiil kasta ee aan ahayn hab taariikhi ah waa la tirtirayaa.
  • Curinta iyo fikradaha shakhsiga ah: Wikipedia maaha madal, ama blog, ama shabakad bulsho, mana ahan meel lagu faafiyo suugaanta, ama loo soo gubiyo afkaar shaqsiyadeed, ama maqaallo aragti, ama ama qodobbo dhisme, ama maanso, ama khudbado IWM. Wixii la mid aha maqaalladaas waa la tirtirayaa.
  • Maqaallo ka baxsan Encyclopedia: Maaha wikipedia meel u gaar ah wararka. Sidoo kale maaha wikipedia qaamuus, ama meel lagu kaydiyo telefoonnada, ama tixraaca website ama faafin bugaag.
  • Maqaallada gaagaaban: Maqaallada ka koban sadar ama laba sadar, ee aan lahayn macluumaad faaiida leh waa la tirtirayaa. (Eeg: Gumud)
  • Wax ku dheel: Sida qoraallo ama wedho an la fahmi karin, ama hadallo caay ah, ama faafinta macluumaad ku saabsan dad kale. Maqaalladaas oo kale waa la tirtirayaa. tirtirayya.... waa la oo katla cayy ag ama fanafinta leh waa ja lagu ya e ja bra..."

Maxaad samaynaysaa haddii la tirtiro Maqaalkaada? wax ka badal

Maxaad samayn? wax ka badal

Degmada buurdhuxunle