Kristoffer Kolombus wuxuu ahaa nin Talyaani ah, wuxuu noolaa sanadihii 1451 ilaa 1506. Kristoffer wuxuu ahaa badmaaxiye ah oo aad u safri jiray, wuxuu raadin jiray dhulalka ama qaaradaha. Kristoffer wuxuu ahaa ninka helay qaarada Ameerika sanadka marka oo ahaa 1492. Kristoffer wuxuu ku dhashtay magaalo ku taalo waqooyiga talyaaniga oo la dhoho Genova, wuxuu badda ku safri jiray asigoo da' yar. Aabihiis waxaa ladhaa Domoniko Kolumbus, hooyadiis neh Susana Fontanarosa. sanadka marka oo ahaa 1478kii, karistofer wuxuu tagay wadanka Boortuqaal, isla markaas neh wuxuu dhinaca galbeed ka raadinaayay, jidka tago wadanka Hindiya ee dhinaca badda. Kristoffer waxaa caawiyay dad ka mid ah boqortooyada Bortuqiiska, isla markaas neh waxay ku heshiiyeen hadii uu dhul helo in ee ayaga lacag ka helaayaan dhulkaas. Sanadka marka uu ahaa Agoosto 1492 ayaa waxaa bilaawday safarkoodii, 3 maraakiib ah oo saaran 90 qof ayaa u safartay dhinaca galbeedka ee badweynta atlaantik, kadib waxay tageen Ameerika, iyaga oo rabay in ay tagaan hindiya. Isla sanadkii Waxay tageen Meel jasiirad ah, wuxuuna helay wadanka Kuuba, hal markab ayuu uga tegay meesha, marka ee dhacday in ee dadka saarnaa markabkaas in ee raadiyaan Dahab. sanadka marka oo ahaa 1493dii Kristoffer dib oo u soo noqday, asiga oo sideed indian ah soo afduubtay. (SII AQRI)