Dhir
Dhir

Dhir sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan. Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub. Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha (SII AQRI)