Wanlaweyn (Af Carabi : ar‎) waa magaalo ku taala koonfurbari gobolkaShabeellaha Hoose ee wadanka Soomaaliya. Magaalada Wanlaweyn waxay ku taala 50 miyl (80 kilomitir) waqooyigalbeed ee caasimada Muqdisho. Sidoo kale, magaaladani waxay xuddun u tahay Degmada Wanlaweyn.

Wanlaweyn

وانلاوین
Magaalo
Wanlaweyn is located in Somalia
Wanlaweyn
Wanlaweyn
Meesha kaga taalo Soomaaliya.
Country Somalia
GobolShabeellaha Hoose
DegmoWanlaweyne
Tirada dadka
 • Dhammaan26,700
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Wanlaweyn

Bulshada

Magaalada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda waxaa ku dhaqan bulsho gaadhaysa ilaa 26,700 oo qof.[1] Sida lagu xusay tirokoob la sameeyay sanadkii 2001da, guud ahaan Degmada Wanlaweyn waxaa ku dhaqan tiro dad ah oo ka badan 155,643 oo qof.[2]

Faallo

Wanlaweyn waa degmo ka tirsan degmooyinka Shabeellaha Hoose waxaa hoos yimaada tuulooyin badan dhaqaalaha dadka degmada ee ku tiirsanyihiin waxaa ka mid ah beeraha, xoolaha. Sidoo kale, Wanlaweyn waa degmo istaraatiji ah waxay muqdisho ujirtaa 90 kilomitir. Degmadu waxay caan ku tahay in loo caano doonto xiliga fasaxyada ama xiliga uu iskulku xiran yahay. Degmada Wanlewayn waxa kaloo ay caan ku tahay Shir taasoo sanadle ah oo sandkiba mar la qabto iyadoo ay isugu yimaadaan qabaailadas shanta ah ee walaalaha ah ee dega degmada taaso lagu shirbaayo waxa markaasi dhaca sanadka gudihiisa.

Wanlewayn waxa hoos yimaada tuuloyin aad utiro badan waxayna caan ku tahay wax soo saarka beeraha wa degmo aad ubarwaaqo ah dadkeduna waa dad nabadeed isla markaasna ku mashquul ah wax soo saarka beerahooda. Sidoo kale dadka degaanka waa xoolo dhaqato oo waxa ay dhaqdaan geela, lo'da iyo ariga hadaba degmadu waxa ay ka tirsan tahay degmoyinki ugu horeyay e la magacabo ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale degmada Wanle Wayn ama DAAFEET waxaa ku yaala Garoonka Millateriga ee Ballidoogle oo saldhig u ah dowlada Maraykanka.

Meelaha Caanka

Magaalada Wanlaweyn waxaa 7 kilomitir u jira Gego diyaaradaha Baligubadle.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. . Tageo http://www.tageo.com/index-e-so-cities-SO.htm. Soo qaatay 4 October 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Nuqul Archive" (PDF). UNDP. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 Bisha Todobaad 2017. Soo qaatay 21 September 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)