Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata. Dhanka kale waxa madasha ku sugan halabuur kale oo goobta ku soo bandhigi doona suugaan iyo buugaag xiiso leh. Abyan Cali oo ah qoraayad ku dhaqan Stockholm, buugaagta carruurtana ku qorta afafka Iswiidhishka, Soomaaliga iyo Ingiriisiga ayaa maaalintaasi soo bandhigi doonta buugaagteeda. Sidoo kale Mona Monasar oo ah halabuur da’yar ayaa maalintaasi soo jeedin doonta gabay af Iswiidhish ah oo ay curisay. Gabaygaasi oo ku guulaystay tartan sannadkan 2016 loo qabtay dhallinyarada ku nool Stockholm. Dhanka kale waxa iyana suugaan ka hadlaysa doorka hooyada Soomaalida ah ee qurbaha ku nool soo jeedin doonta marwo Saredo Hersi oo ah macallimad ku nool Stockholm. Qaybta danbe ee barnaamijka ayaa noqon doonta mid lagu lafaguri doonto taariikhdii iyo suugaantii abwaankii weynaa Ilaahay ha u naxariistee abwaan Cali Sugulle. Abwaanka oo sannadkan bilowgiisii geeriyooday ayaa waxa suugaantiisii iyo taariikhdiisiiba bulshada la wadaagi doona Sayid Maxamed Yuusuf. Qaybta u danbaysa ee barnaamijka ayaa lagu soo badhigi doonaa magaasiin carruureedka Carruurteenna. Magaasiinkan oo ah mid sannadkan bilowgiisii curtay looguna talogalay in ubadka Soomaalida ahi ka bartaan afkooda iyo dhaqankooda, sidoo kalena ka helaan barbaarin iyo garaadkorin wanaagsan.