Suugaan silsilad samir badan
Joined 20 Abriil 2013
- boga suugaanta soomaaliyeed dhamaan abwaaniinta somaliyeed wey ufurantahay silsiladan samir badan taas oo kahadli doonta sida bulshaweeynta *soomaaliyeed eey dhibaatada ugusoo samirtay abwaaniinta daadihinaya waakamid ah 4 tan abwaan oo dalka iyo dibada kalajooga suugaanta waxaa ka mamnuuc ah xaraf aan s ahayn waajiifto gabay maahan waa wadani wax dadka dhibaato ukeenaya looma baahna
- abwaan c/qani yuusuf aadan
- abwaan c/fitaax barre nuur
- abwaan axmed daljir
- abwaan abshir isaaq
Abwaan c/qani Yuusuf Aadan (Kaysediin)
Qaybtii 1-aad
- Same cabdi barroow
- saaxiikay rumaadoow
- Aniga iyo dhooraba
- inkastaanan wada socon
- ku salaanay saaxiib,
- sareeyoow ma duuloow,
- sa'da gabaygu noo furan'
- kugumaan sakaakimin,
- sal u dhigaye ila soco,
- samir-badan,midaan iri
- Sambabada dhexdoodiyo
- Sadriga iyo laabtiyo
- sararaha salkoodiyo
- Qalbigay ku sugantee
- saaxiib bal iga qabo,
- Sacabada ha sii dayn
- saxar qaado yay sigin
- ula duulin samadaa'
- sakalooyin kale iyo
- ku dhex tuurin saab wayn
- cadaw bay u tahay sixir,
- Somaliday u tahay subag,
- sabigu waa ku siriraa,
- waayeelku waa ku seexdaa,
- jaahil waaku salalaa,
- aniganu sidaydaba
- Samirbadan sokeeyoow
- Sahaydayda weeyaan,
- sawd baan maqlaayaa
- wuxu igu sasabayaa
- wiil yahaw siraataa
- saldahagaa laga yaab!
- aan sargooyo saaxiib,
- Markaad sadar suuraysana,
- halqabsigu sad weeyee
- ogoow samina waa nahay.
abwaan c/fitaax wax ka badal
- Abwaan Cabdifitaax Barre Nuux
- Qaybtii 2-aad
- saaxiibkay rumaadow,
- sarreeyow ma liicow,
- kayse diin ma salalow,
- adaa siinka curiyee,
- marka hore salaan wacan,
- ma saluugin dhoorana ,
- wuu salaamanyahayoo,
- abwaannada sarreeyuu,
- safka hore ka galayaa,
- marka xigga samaalow,
- aan soodka dhiib tee,
- suugaantaad bilowdaa,
- xalay saamalaylkii,
- saqdii dhexe mar ay tahay,
- salaan iigu timidoo,
- anna soo dhaweeyoo,
- sidii socotadii baan,
- saaxiib u sooraye,
- sokeeyow ma nabad baa,
- aan sifeeyo hadalkee,
- nin samraa sadkii hela,
- soomaali baa hore,
- ku sifaysay maahmaah,
- waxaan uga socdaa taa,
- waxay waaya silicdoo,
- la sargooyo ciribkeed,
- seefuhu is jiiraan,
- saqiirada la gowraco,
- umulaha la saanyado,
- qaxootigu sunsuma oo,
- dibadaha sabbeeyaan,
- mar bey sugab dalkoodii,
abwaan axmed daljir wax ka badal
Abwaan Axmed abshir dhoore axmed daljir Qaybtii 3-aad
- saaxiiba yaaloow.
- marka hore salaan culus.
- mudeey siinka maasadu.
- bulshadaan kasuushaye.
- hadeey sama kataliyiyo.
- weli sooryo leedahay.
- soomaali nimadiyo.
- sinjigii ayaa nool.
- aan idiin sifeeyee.
- soomaali waa kuma.
- sal wexeey kuleedahay.
- afrikada sareeysiyo.
- siinadeedu bari.
- midab keedu waa subag.
- soowd qureey wadaagaan.
- saaxiibo iyo gacal.
- seedi iyo walaal beey.
- intaa same kataliyaan.
- baqiil soorta diidiyo.
- manaqaan saqaa qule.
- samir baan ku nool nahay.
- waxaa taa kasii daran.
- sunaa lagu bar baarshoo.
- qof saluugle kama dhalan.
- cimilo an sal guureeyn.
- saxan saxo udgoon badan.
- iyo seeyma roobaad.
- barwaaqaa salkeenaa.
- anoon siinku ila tegin.
- salfudeeyd ma fiicnee.
- abshir baan sugeeynaa.
abwaan abshir isaaq wax ka badal
abwaan abshir isaq qeybtii afaraad
- Axmadoow samaantiyo
- salaantii gudoonaye
- suugaanta sharaftale
- waa dhaqan sokeeyiyo
- soomaali magacood
- sooyaal qoraaliyo
- sifo nalagu garan karo
- lixdankii sedkaan helay
- hadii sebenka maanta ah
- soomaali nimadii
- laga dhigay midaan socon
- sun ayaa ladaacoo
- dhaqankii sugnaa baa
- kuwa sebenkan soo baxay
- oon sariiganeeyn baa
- sinjigeena door shaye
- rabiyoow na sama bixi,
- maalinteey siloon tahay
- adigaa sameeyn jirey
- wax walboo sugnaadee
- Duul samo ku caan baxay
- Saatirkeey ma rogayee
- siliciyo rafaad kii
- sabab teena weeyaan
- Reer samuudba waa tuu
- Saalax uu illaah diray
- markeey samaha diideen
- sunihiyo kitaabkii
- sixun loo halaagyoo
- waxay sababsadeen baa
- looga dhigay sedkoodii
- Sebenkaanu joognana
- Srilanka wax loo rogay
- loogu diray sunaamida
- waa salaad la'aantiyo
- sinnaday banaysteen
- sunnadii Illaaheey
- kolna suuli maysee
- cid kastoo san taagtana
- balaa lagu salidayaa
- Annaguna sidoo kale
- waxa sida tan noo galay
- oo saarka qorigiyo
- suuga la isu dhaafsaday
- oo saqiir wax aan garan
- surka looga jarayaa
- suuqa maydku wada yaal
- sabab malahan loo yiri
- midla sugayey maaheyn
- Dadkii xabad baa salfiday
- badh baa silicii la hadhay
- badh baa saxaraha ku go'ay
- badh baa sijnigii ka tegey
- kuwii soo galay qurbaha
- qaar baa seeg-seeg noqnoo
- cirbado lagu seexiyaa
- gabdhihii saxar diid ahaa
- sariigta ku caan ahaa
- sooryada laga dhiibi jiray
- surwaalo barbaa sitee
- kuwana sinjigeey hayaan
- jalaabiib beey sitaan
- suniyo faral baan ka tegin
- oowlaadana waa mid sugan
- soomaaliya waan arkaa
- dadkuna waa silicsanyahay
- inaan siinleey qoriyo
- suugaan miya ila gudboon?
abwaan c/qani yuusuf wax ka badal
Qaybtii 5-aad
- Abwaanadii silsiladaan
- Seeskeeda jeexee
- Saldhigeeda ahaayoow
- Sida guud ma sugantiin,
- Marka xiga salaantaan
- Socotada u meel dhigay
- Samo mayga qaadeen?
- Sidii aan horeba iri
- Siinleydu waa soor
- Saxar laga ilaalshoo
- Ninba saami mudan yahay
- Anna xarafkan siinkaa
- Mar labaad sadkay helay
- Marka xiga sokeeyoow
- Sahankaan isniri taga
- Waa iga su’aal furan
- Sahaydii ma sidanaa
- Halka aan ku soconiyo
- Meesha aan ku suganahay
- Laba kala sokeeyoo
- Kala seeran weeyaan,
- Silic iyo abaarba leh
- Sulmi iyo haraad badan
- Ruux haduu socdaalana
- Inuu halaq ku sayroo
- Seedaha la gooyaa
- Iyo inuu sibraaradda
- Sidko dhalay ku maaloo
- Rabi samata bixiyay
- Sifaheeda keentaa
- Xaajadu sal fudud iyo
- Sahal yaysan naga noqon
- Gagi sarana maahee
- Buuraha salkoodiyo
- Sanaag bay ku xiran tahay
- Sam sam iyo bulaalaa
- Sibraheedu yaalaan
- Suul dhabaale weeyaan
- Mar kalena safkaygoow
- Waa iga su’aal guud
- Suryo uu rag kale maray
- Ma inaan saanta gelinaa’?
- Saaxiibaday rumaadoow
- Murti uu duul kale sohay
- Ma inaan saxnaayoo
- sabarka aan ku qaadnoo
- sadrigeena galinaa’?
- Mar labaad sokeeyoow
- Halkii aan is niri daga
- Sowkan saanta lagu sugay
- La sayrsayray rayskee
- Xooluhu sumsumayaan
- Samawade ragaygoow
- Bal ii yeesha samac oo
- Ma ogtihiin Sallaamaley
- Inay tahay silsiladii
- Sabankaanba socotee
- Siinleey looga sami dhigay
- Kala soocday murtidii
- Nin waliba la sooree
- Rag ku kala sareeyoo
- Lagu safay mareegaha
- Waxba yaanan sahashane
- Aan sargooyo siinkee
- Safka wada akhyaartoow
- Abwaanada I sugayoow
- Laba mida mid soo gala
- Inaan xarafka siinkaa
- Uga boodno seed kale
- Oon sabadka reeraha
- Geedi aan lahayn sahan
- Saakaba ka guurnaa
- Iyo inaan joogno seeraha
- Oon murtidaa sarbeebtaa
- Ula safano qayrkeen
- Labadaas mid soo gala
Abwaan C/fitaax Barre Nuux Qaybtii-6
Maansadan waatii suugaanta xirantey uu ku furay Abwaan C/fitaax Barre
- Saaxiibaday rumaadow,
- Ragga siinka curiyee ,
- Ninba sowdka dhiibtow,
- Marka hore salaam guud,
- Marka xiga sokeeyow ,
- Xaggayaga sareediyo ,
- Waa seer ma waydee,
- Maxaad saaka joogtaan?
- Aan sifeeyo hadalkee
- Ragow siinkaad curiseen
- Suugaantaad tabiseen
- Samir wada tiraahdeen
- Way seeto furatoo
- Soomaaliyoo idil
- Shanta seer adduunyada
- Meel ay ku sugantahay
- Saamaysay guudkeed
- Anna saaka qaybtay
- Saaxiibaday rumaadow
- Waa soo sagootiyay
- Safar baan u raray dheer
- Sahay baan u xiray badan
- Hasheenii Samays baan
- Caanaheeda suluxaa
- Uga dhaanshay saytuux
- Saddexdiina samahele
- Ninba sabadkii uu dagay
- Iyadaa salaamine
- Qabta sadaradeedoo
- Salka dhiga u fiirsada.
- Aan sii sadcaaloo
- Seefaha adkaystee
- Ma ogtihiin sokeeyow
- Sahankaynu diraniyo
- Siinkaynu dhiibnaba
- Sahaydoodii may dhumin
- Rag sarreeya baa helay
- Nin waliba sabeeniyo
- Sumalluu ka gowracay
- Sadbursina ma fiicnee
- Saami bay u qaybsheen
- Ninba subaxay joogtuu
- Isagaan sal fududaan
- Maanso aan saluugnayn
- Mareegaha ku sayraa
- Saaxiibaday rumaadow
- Soomaali baa tiri
- Miro sacabka kuu yaal
- Intaad ciid ku saydhaan
- Kuwo saran geed sare
- Haw suul dhabaalayn
- Waxaan uga socdaa taa
- Adoo saafi qalanja ah
- Gabar aan safkeed curan
- Kula sugan aroos wacan
- Sodoh uu rag kale qabo
- Saqda dhexe habeenkii
- Inaad soo salaantaa
- Wax sawaaban weeyaan
- Waxaan uga socdaa taa
- Innagoo silsiladaan
- Sayskeeda jeexnoo
- Sarka dhaban ka dhowrnoo
- Subageeda shiilnoo
- Seefaha afaynoo,
- Weli aan la seerayn
- Xeryo samo ugbaad badan
- Inaan teenna sayrnaa
- Murti uu rag kale solay
- Sallaamalay u boodnaa
- Si kalleeto weeyaan
- Ma ogtihiin safkeegow
- Inuu siinka maansadu
- Badahaa sunsumayiyo
- Dabaylaha hawada sare
- Joog sare ku duuliyo
- Wax kastoo dunida suran
- Sokeeyow ka badanyahay
- Inaan siinka xoornaa
- Rag kalleeto siinaa
- Sooryadeeda diidnaa
- Marti safar ka noqonaa
- Sokeeyiyo xigaalow
- Wax sawaaban weeyaan
- Aan sii sadcaalee
- Seefaha adkaystee
- Danta guud sifeeyee
- Waataan beri samaadkii
- Innagoo hawada sare
- Sidko dhalay ku maalnoo
- Dadku samo ku noolyahay
- Tiradoo sagaashana
- Sulufka aynu kicinoo
- Calankeenii siibnoo
- Baddeenii sumaynoo
- Qaxootiga sunsuminoo
- Saqiiradii la gowracay
- Sidii saancadii beri
- Umulihii la saanyaday
- Safka wada akhyaarow
- Waa iga su’aal guud
- Maxaan saaka haynaa?
- Aan sii sadcaalee
- Seefaha adkaystee
- Abwaankii sarreeyiyo
- Sangub baa mar hore yiri
- Sacna waysha uu dhalo
- Sanka kalama rooroo
- Sidig kama jeclaadee
- Sanadadaan waxaa dhacay
- Wayshii baa sacii nacay
- Sidig buu ka door biday
- Sankuu kala ordaayaa
- Aan saafo hadalkee
- Ma ogtihiin sokeeyow
- Dhalinteenii soomaal
- Sabaankii xorroyadii
- Inay seefo qaateen
- Salabkooda boobeen
- Gumaystihii ka saareen
- Soomaaliyoo idil
- Kuwa maanta noo safan
- Samahele dhalaankii
- Sinjigooda gaarka ah
- Soomaali uu galay
- Dalkooday saluugeen
- Doonyaha sabbeeyey
- Safar dheer ku raaceen
- Yurub seeraheediyo
- Saancadaynu beri hore
- Dalkeenii ka saarnay
- Darbigooda seexdaan
- Suulka iyo faraha sare
- Ma simaan afkoodoo
- Dadkuna waa sidoo kale
- Waxaan uga socdaa taa
- Qaarbaa silloonoo
- Dhagahay sareenoo
- Sankay biro ku qaateen
- Mindi iyo sakiin bay
- Sunniyaha ku xiireen
- Waa iga su’aal guud
- Ma heleen samaan iyo
- Xeeryo laysku sooriyo
- Soo dhawayn walaalnimo
- Camal sugan ma haystaan?
- Ma sirqada caddaankay
- Xafaayado ka siibaan?
- Aan sii sadcaalee
- Seefaha adkaystee
- Danta guud sifeeyee
- Dhaqankeenu waa sumad
- Sooyaal gaar ahaaneed
- Sifo aynu leenahay
- Sal waxaan ahaan jiray
- Gabdho laysa siiyoo
- Ninka guur u saantaa
- Yarad sooryo wacan iyo
- Kadin sofa bixin jiray
- Waxaan uga socdaa taa
- Kol haddaan saluugnoo
- Guumays surweel xiran
- Suleekhadii ka dooranay
- Ubadkay sidaan iyo
- Sowjadaa shisheeyuhu
- Ma Soomaali bay noqon?
- Sarcad waalidkii dhalay
- Sodog aabbe noo roon
- Sodoh miyay inoo noqon?
- Sagsaaguna ma fiicnee
- Hilbo laysma saaree
- Silic iyo dhibaatadu
- Rag kaliya ma saarnee
- Dumarkuna sidoo kale
- Qaarbaa saqaafoo
- Sararihii banneeyoo
- Saraawiilna qaatoo
- Sowracoodii diidoo
- Sanka dhuudhi gaaloo
- Sanku labo bakhaar yahay
- Silis iyo dhagana xiran
- Murqo seedo laga dhigay
- Soomaalinimadiyo
- Sunnihii ka doorteen
- Saaxiibaday rumaadow
- Waa iga su’aal guud
- Sawaaxiliga keenyiyo
- Jamaykaan silloon baan
- Gabdhaheenii siinaye
- Ma seeday inoo noqon?
- Aan sii sadcaalee
- Seefaha adkaystee
- Danta guud sifeeyee
- Sama hele dalkeenii
- Suubanow dadkiisii
- Sida maanta uu yahay
- Murti lagu sifayn waa
- Samahele raggeygow
- Waxaan siinka kaga baxay
- Maansadaan sadcaal iri
- Sa’da aan la doorbiday
- Murtidiyi sarbeebtaa
- Sakalaha ha laga guro
- Waa saad macaanoo
- Saxar iyo bariiq layn
- Saxiibkiin rumaad baa
- Siigada ka mayroo
- Cidna gaar u may samin
- Su’aalaha is daba yaal
- Sikhil haw malaynina
- Safsafoo ujeedada
- Subciyoo dhammeeyoo
- Jawaabaheeda oo sugan
- Safkiinaan sugaynaa
abwaan axmed daljir wax ka badal
- qeeybtii 7 aad iyo samir badan
- saaxiibadey rumaad iyo
- soomaali idilkeed
- inta samaha nala jecel
- marka hore salaan guud
- marka xiga sirteenii
- silsiladii macaaneed
- samir badan la oran jirey
- anugu maan saluugine
- sidig baan uxirayaa
- somalay utahay udug
- sinaan teey utahayn qodob
- sinjigeey utahay dhaqan
- suugaanteey utahay sharaf
- sumad beey utahay calan
- samir beey utahay magac
- sune iyo xaq kama tegin
- erayo an sugneeyn iyo
- kuma arag wax saaida
- abwaankii saluugena
- waxbuu suuradeeystaye
- sife xumale laga dhoowr
- afartaas saliyo baar
- kuxirxirey silsilad adag
- fitaax xoow sifaha guud
- suugaan taadi waan helay
- tiradoo sagaashana
- seben hore wixiidhacay
- iyo subaxa maantaa
- dhalintaad saluugtiyo
- qaxootiga susumayiyo
- baajuun saanyadeyn tiis
- sida anugu aan qabo
- waxaa iiga siidaran
- sunahoo la dhaawaco
- sujuudoo dadlagu dilo
- culimadi saxdaaheey
- oo surgooyo lala rabo
- soomaali baan nahay
- dowlad daan sameynaba
- sune kuma dhaqmeysee
- waxbeey suura deeystaan
- qodob aan ilaah sugin
- ayeey wada saxiixaan
- kuwana waa si gooniya
- waajihaad saxeey oran
- dadkana weey silcinayaan
- suuradaha ilaahey
- kitaabkii sareeyiyo
- suubanuhu wuxuu yiri(csw)
- umadii sagsaagtana
- naar ayeeyku sugantahay
- bal aan idin su.aalee?
- soomaaliyoo idil
- sunaa lagu barbaarshee
- halkeebaan u soconaa?
- rabiyoow na sama bixi
- silac iyo dhibaatada
- anagaa u sababehe
- sahaloo amuuraha
- nabad seetadheer iyo
- soowdkaa dadnagudhaqa
- adigaa saciimehe
- saadiroow alahayoow
- nabad waan ka soonaye
- maalinteey siloon tahay
- adaa samata bixiyee
- qalbiga noo sameeyoo
- suubanaha (csw) dadkiisiyo
- samajecel mar naga yeel
- raboow yeey sedkeen noqon
- naartu waa sirgixantee
- adigaa sameeystaye
- janaan kaa sugeeynaa
=abwaan duraan yuusuf geedi wax ka badal
- Abwaan Duraan oo kusoo biiray silsilada
- iyo silsilada oo uu waxka weydiiyey
- 4 abwaan iyo iyaga oo looga fadhiyo jawaab deeqda abwaanka
- Abwaanada sareeyow
- siinleyda curiyoow
- marka hore salan guud
- sanbabadiyo beerki iyo
- saableyda feeraha
- saldhigeedu’ uuyahay
- marka kale sifajiro
- suugantu wadahab
- waacana saafiya
- ubadkalasiiya
- dhaqankena sooyal
- saldhigiisa weeyaan
- an idin su’aalee
- samir badan maxaytahay
- sanadkii xumaadoo
- dhirtu sole qotoo
- dadku saamajiidaan
- oo an sabada reeraha
- xooluhu kasoofeyn
- alla lagu su’ashaa
- in uu seymakeenee
- dhaqankena sooyaal
- saldhigiisa weeyaan
- sanadkii barwaaqaa
- wabiyadu susumayaan
- sibra raduna buuxaan
- subaguna banaan yaal
- waxalagu saleeyaa
- suugaantaweeyaan
- hadii gabar suleeqa
- sooryada laqaato
- aroos loga sacabtumo
- waxalagu saleeyaa
- suugaantaweeyaan
- bal aan idin su’alee
- siinleyda garanaye
- samir badan maxay tahay?