Abdirahman 4
Ugaas Samatar waa ugaaskii 6aad Ee soo mara Saldanadii Ogaden Ee Ugaasnimada Absame !
Jifada Ilma Samatar ( Maalinguur) oo ah mid taariikh Aad uwayn oogu fadhida beesha Ogaden haday noqoto xag dhul balaadhsi, xag Dagaal iyo Halgamadii ay soo mareen shacab waynaha Ree Ogadenia,
Hadii aan Tusaaleyaal koobaan kasooo qaato
1- xukun aad u awood badnaa oo Dhowr qarni socday Taasooy Hogaamiyayaal u ahaayeen ilma ugaas samatar, qabiilo badan oo Absame ah iyo kuwo somalidaa kale ah sida: Hawiye, Dir iyo sheekhaash, Taasoo lagu qabsaday dhul balaadhsigii oogu waynaa ilaa Herer salkeeda ay gaadhaan !
2- Jabkii Engriiska iyo Rayid
Saan wada ognahay markii Daraawiish jabtay Ee Sayid maxamed Cabdille xasan usoo hayaamay carro Ogaden, waxaa bilaabatay in Engriis soo uruursado qabiilo somaliyeed oo beesha Ogaden aano hore uqabay, kuwaasoo aargoosi toosa la rabay inay sameeyaan, inkastoo ay bilawgii hore beesha ogaden qabiilo kamida lasoo jabiyay, hadana Ma suuroobin inay horey usocdaan, Taasoo sababteed lahaayeen Beesha MAALINGUUR oo u babac dhigtay Engriis iyo ciidamadii Rayid, Nimankii ciidamadaa watay oo la kala Odhan jiray, Khaliif Cumar Ugaas, iyo Sarhaye Cali Duule ayaa Door aad uwayn ka ciyaaray dibu celinta iyo kasaaridii dhulka loo yaqaanay Sagag ilaa Howdka
3- Gabayga iyo Abwaanimada, sida caadiga ah gobolada Nogob, Erer iyo Qoraxey ilahay waxuu ku manaystay xikmado rabaaniya oo gabayga uu kaw ka yahay, Tusaalee
() Raage ugaas warfaa, Aw-faarax jibriil, Ismaaciil Qoorleex, cabdikaahin Qoorcade, Guudcade, Aw Muxumed, Iiimaan cubeed, Xuseen Aw Xasan, cabdiwahaab cumar weerar, axmed Nuur xaaji iyo Boqolal kale
4- Halgankii Ree Ogadenia
Beesha Maalinguur waxay kasoo qaadatay dowr muhiim ah la dagaalanka gumasiga