Timirshe waa Magaalo Kutaala Gobalka Bari waa Magala dad badani Ku noolyihiin Magaladu waa Afar xafadood OO kala ah xafad sare ,xafada Hoose, Xafada dhexe iyo xaafadda New Timirshe

Magaalada waxaa ku yaal laba masaajid oo lagu kala magacaabo Masjidu Al-Nuur iyo Majid Al-Aqsa

Magaaladu Waa magalo beereed Inksto Dadka degani Magalda aysan ka faa idaysan Dhul beeredka, magalda waxaa ku yaala meel badan oo gumaystihi talyaanigu udegaanaan jiray, dhullkaas oo uu ku arkay celal badan oo shidaal ah

magalda dhulkeedu waa hodan aad ubarwaaqo badan, waxaa ku yaala oo dhirta adunka ugu carafta badan ee maydi iyo beeyo iyo foox, dhirtas o wadamada horumary ee wax yaalo badan oo anafac leh kasoo saraan marki ay warshadayyaan

Magaaladu waxay leedahay Iskuul Hoose /dhexe iyo Sare waxaa dhigta ku dhowaad 600 oo arday. wxay kaloo leedahay laba dugsi quraan.sanad dugsiyeedka 2015/2016 waxay magaaladu yeelatay dugsi sare waxaa dhigta 13 arday oo 3 du ay gabdho yihiin. ardaydaas oo imtixaanki 8aadka kaga soo gudbay buundo sare. Magaaladu waxay leedahay goob caafimaad. hadda waxaaa gacanta lagu hayaa cisbitaalki magaalada oo hadda ay shaqadiisu socoto waxaa hawshaas ka shaqeeyey Aqoonyahan Maxamed Ismaaciil Cismaan iyo Eng. Saciid Maxamed Saciid.

magaaladu waxay leedahay, gudoomiye kas oo lagu magacaabo: C/laahi Shire Yuusuf iyo Ku xigeen C/qaadir Abshir Maxamuud

Magaladu waxay leedahay culuma badan oo kala ah

1..Sheekha Magaaladda Ismaaciil Xasan Cilmi

2..Cabdulahi xaaji xuseen


Waa magaalo hodon ku ah khayraadka dabiiciga ah sida xabkaha (Maydi iyo Beeyo), xoolaha iyo beeraha.