Template:Maqaalka Cusub Bogga Hore

Documentation icon Xog-waranka tusmada[Itusi] [bedel] [taariikhda] [dacarfal]

Wax ka bedelka maqaalka hadda

General Daauud
General Daauud

Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ey yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay deegaanka Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeystay aqoontiisa barashada Qur'aanka isagoo da' yar. Muddo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaaray shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab. Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqday koonfurta Soomaaliya ayaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada. 1954kii ayuu ku soo laabtay Soomaaliya, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay diyaarintii ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay markaas abaabulaysey dawladdii uu horkacaaye Cabdullaahi Ciise. Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey. waxa uu noqday janaraaldaauud taliyihii ugu da,da yaraa taariikhda soomara ee maamula ciidanka qaranka sidoo kale waxaa lagu xusuustaa janaraal daa'uud cabdulle xersi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheeraa xaga ciidanka sida (( j maxamed nuur gallaal, j macamed faarax caaydiid, col c/laahi yuusuf axmed, j c/raxmaan mujrim, j/ c/raxmaan siigeeyste, j/ maxamed liiqliiqato )) iyo in badan oo kale. sidoo kale wuxuu taliye u ahaa kana soo hoos shaqeeyay ee ugu horeeyay ((j maxamed abshir muushe ))iyo ((j maxamed cali samatar , jsalaad gabeyre , j gorgor ))iyo ((j maxamed siyad barre )) oo mar aha madaxweynihii dalka soomaaliya. oo in toodaba sheegeen in eey ka faa'iideen aqoontiisa. (SII AQRI)

Baraarujin wax ka badal