Al-suldaan jalaalu-dawla malik shaah bin Alab arsalaan waa kan sedexaad ee boqorada salaajiqada, waxay dawladu gaartay xiligiisa awood ahaan meeshii ugu sareesay, waxa uu xilka qabtay aabihiis Alab arsalaan ka dib 465H/1072 wuxuuna haayay ilaa uu ka dhintay 485H/1092

Taariikhdiisa wax ka badal

Malik shaah waa wiilka Alab arsalaan Boqorkii labaad ee salaajiqada, waxa uu ku dhashayasfahaan Agoosto 1055, wuxuu yaraantiis ku qaatay Asfahaan waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa qof qurxoon joog dheer oo xoogaa laf weynaa[1] intii uu aabihiis Alab arsalaan xilka haayay wuxuu kala qeyb qaatay howlaha dawlada, wuxuuna ahaay inuu la socday safarkii ugu dambeeyay ee aabihiis u baxo, waxaa dhacday wabiga jiixuun markuu ka talaabay Nin la qabtay asigoo wareesanaayo inuu dhaawacay dhaawcaas ayuuna u dhintay 465H/1072[2] intuusan dhiman wuxuu u dardaarmay inuu yahay Malik shaah boqorka ku xiga, wuxuuna talyaasha iyo ciidanka faray inay adeecaan[3]

Xigasho wax ka badal

  1. Durand-Guédy 2012.
  2. Template:استشهاد ويب
  3. Template:استشهاد ويب