Sheekhaal Jaziira (Reer Baaxasan Az-Zubayri)


Sheekhaal Jaziira waa mid ka mid ah beesha Sheekhaaled waxa ay kaso jeedan Sheekh Baaxasan Az-Zubayri oo loogu naanesay(kunyo) curadkiisa Xasan (Abu Xasan).

Sheekhaal Jaziira (Aala Baaxasan) waxay ukala baxaan ilaa 3 jifo oo kala ah. 1) Reer Xaaji oo ah curada (Hassan) 2) Reer Qasim 3) Reer Maad

Abtirsiga Sheekh Xaaji Baaxasan:

Sheekh Muxammad Baaxassan (Abu Xassan) bin Sheekh Abu Bakar bin Sheekh Suufi bin Jacfar bin Maslax bin Musa bin Jacfar bin Axmad bin Zubayr bin Maslax bin Jacfar bin Muscab bin Zubayr bin Bakkaar bin Cabdullah bin Muscab bin Thaabit bin Cabdullah bin Zubayr bin Al Cawaam

Sheekhaal Jaziira waa mid ka mid ah Beelaha baanaadiriga ugu caansan xadaaradaha soo jireenka ah, loo yaqaan ama loo garan ogyahay fidinta Islaamka.

Jaziira oo ah deegaanka loogu magac daray beesha Sheekhaal Jaziira Waxay ku taala Gobolka Shabellaha Hoose

Sheekhaal Jaziira waa dad caan ku ah aqoonta iyo waxqabadka, Waxay kaloo caan ku yihiin ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada diinta iyo maadiga.


Sheekhaal Jaziira waxay ahaayeen kuwa ugu ilbaxsan caanna ku ah ganacsiga waxayna keeni jireen waxyaabaha ugu muhiimsan sida Dahabka, dharka iwm.

Dadka Caanka wax ka badal

1-Sheekh Cumar Xaaji , mid kamid ah culumada xamar qarniga 17aad , oo xamarweyne ku aasan , gaar ahaan masjidka mataanaha

2- Professor Cabdi Axmed Maxamed Baafo , Wasiirki hore ee Wasaarada Beeraha