Sheikh (Af Soomaali : Sheekh, Af Carabi : ar‎); sidoo kale loo yaqano Shiikh) waa magaalo kutaala somalinad hoos timaada gobolka SAAXIL ee Somaliland. waxa ay magaalada burco u jirtaa 60km waa magaalo aad u hawo fiican waxa ay kutaalaa dhul aad u sareeya oo badda ka sareeya 1500 feet. Degamada sheekh waxa degmo ahaan loo aqoonsaday 1973 gudoomiyahii ugu horeeyay wuxuu ahaa gaashanle dhoobey degamada sheekh waxay xukuntaa 27 tuulo Degmada Sheekh waxay yeelatay 5 gole deegaan Waxa maayiro ka soo noqday 1.Xasan Cali Maxamed 2.Buux Cabdiraxmaan X.Jaamac 3.Ibraahin Cabdilaahi Cabdiiye Oo laba jeer noqoday duqa degamada 5.Eng Ismail Hussein Cali [Xabeeb] Tirada golaha deegaanka degamadu waa 13 mudane

Sheekh
Magaalo
Buuraha udhexeeya magaalada Sheekh iyo Berbera.
Sheekh is located in Somaliland
Sheekh
Sheekh
Meesha ka dhacdo Somaliland.
Coordinates: 9°55′45″N 45°11′30″E / 9.92917°N 45.19167°E / 9.92917; 45.19167
CountryFile:Flag of somalia.svg Somaliland
GobolkaSaaxil
DegmoDegmada Sheekh
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Taariikh wax ka badal

Magaaladaa loo yaqaanay Fardawsa, waxa qoraalada qaar tilmaamayaan inay goobtaasi ahayd magaalo ganacsi, kuna aasaasantay markii hore fiditaankii diinta Islaamka. Arrinku si kastaba ha ahaadee magaalada Sheekh waxa ku yaalla ilaa maanta xabaalo aad u farabadan oo lagu qiyaaso inkabadan 6000 oo xawaal, kuwaasoo dhinaca isku wada haya, oo aan la garanayn xilligii lagu aasay goobtaas.

Culimada taariikhaha u dhuun-daloola waxay ku qiyaaseen in goobtaa la degenaa in kabadan 1000 sannadood ka hor, inkastoo baadhitaan dhowaan lagu sameeyay goobtaa loo yaqaanay Fardawsa ay tilmaamayaan inay goobtaasi ahayd magaalo qarnigii 16-naad.

Sheekh Qudub oo qudbigiisu ku yaallo magaalada Sheekh ayaan la garanayn xilligii qudbigaa la dhisay, waana ugu yaraan dhawr boqol oo sannadood ka hor, Magaaladuna waxay magaca ka sidataa Sheekh Qudub (Khutub).

Horraantii qarnigii 19-aad waxa soo degey magaalada Sheekh Sayid Adam oo halkaa ka aasaasay dugsi diinta islaamka lagu barto. 1888-kii oo ay koox ingiriis ahi soo dhinac mareen deegaanka loo yaqaan "Guriga Dariiqada" oo ahayd bilawgii magaalada Sheekh, ayaa sidan uga warramay: "waxaanu soo dhinac marnay xaafad uu ku wareegsanyahay gidaar dhagax ah.

Goobtaa waxa ka dhex muuqday masaajid weyn. Waxaanu doonay inaanu gudaha galno, laakiin waa naloo diidey, oo waxa naloo sheegay inaan loo ogolayn qof aan muslim ahayni inuu gudaha galo." Warbixintaas oo nin la socday kooxdaasi qoray, waa sannadkii 1888-kii, balse goobtaa Guriga Dariiqada waxa la deggenaa ilaa bilawgii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Waxaana ka horraysay oo uu Sayid Adam deegaan ka sameeyey magaalada Xaaxi oo aad ugu dhow Magaalada Oodweyne. magaalada shiikh waa magaalo aad iyo aad ugu qurux badan waxa ay leedahay buuro dhaadheer.magaalda shiikh waxa ay kamidtahay meelaha ugu quruxda badan somaliland oo hawo fiican marka loo eego qaarada africa dhamaanteed,

Sidoo kale fiiri wax ka badal

Tixraac wax ka badal