Malmal, Mal mal (Af-Ingiriis: myrrh). Waa xabag ka soo dareerta geedaha nuuc ka mid ah Commiphora myrrha iyo Commiphora molmol. Waana wax isku darsan kala gadisan walxo kala go'go'an ama noqda dareere.

Malmal
Malmal

Qeexista dhirta wax ka badal

Geedka Malmasha wuxuu garaa saddex mitir, wuxuuna leeyahay laaman isku dhexjira. Habka looga soo saaro malmasha waa iyadoo geedka la dhaawaco ama faas lala dhaco waxaana ka soo baxaya dheecaanka loo yaqaan malmasha.

Juqraafi ahaan meelaha laga helo wax ka badal

Waxay ka baxdaa Soomaaliya, Cumaan, Yemen, Woqooyiga Afrika iyo Koonfurta Sacuudiga.

Nuucyada Malmasha wax ka badal

Nuucyadiisa: Malmal Soomaali, Malmal Sacuudi. Nuuca ugu fiican wuxuu u muuqdaa
qaabkiisa mid hufan ama la iska arko nadiif ah kaasoo u muuqda midabka maariinka furan laakiin nuuca deebeysay waa kan ay gasho
midabo maariin ama madow wuxuuna u muuqdaa sida bacaad oo kale.

Adeegsiga dawo ahaan wax ka badal

  • Soomaalida, waxay adeegsataa marka ay dhshaan caruurta oo sanka loo mariyo, madaxana waxaa laga mariyaa barta loo yaqaan Nusnusleyda.
  • Waxaa la sheegaa xilliyadii Faraaciintii masar in loo qaadi jiray, kolka uu boqor dhintana loo marin jiray si maydku u raago muddo fog.

Tixraac wax ka badal

Xog wax ka badal

Waxaa kale o loo adeegsada Marka guriga bahal hoose(mas abeso..iwm) ay soo galaan in lagu shido.