Maadhiin (qori)
Maadhiin (Af Ingiriis : Gahendra Martini) Waa qori xabbad keliyaale ah oo ka mid ahaa qoryihii ciidmada Ingiriisku ku hubeysnaayeen dagaalladii Daraawiishta. Westley Richards ayaa sameeyey 1869. 1880 ayaa waxaa hormariyay ganacsatidii hubka ee Ciidanka Nepal oo hoos joogay Generalkii la oran jiray Gehendra Shamsher JBR .
Maadhiinka iyo Soomaalidii hore wax ka badal
Darwiish Ismaaciil Mire dagaalkii lagu dilay Koofil ka dib gabaygii uu mariyey waxa ka mid ahaa:
Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay galabtaase
Maadhiin turaabkaa ka badan tuurla kaga qaadnay
Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay