Lufthansa Duulimaadkii 181

Lufthansa Duulimaadkii 181 Waa Boeing 737-230 Adv luuguna magacdaray Landshut shirkad duulimaad taasoo xarunteedu ku taal magaalada koolen Kollen ee dalka Jarmalka. Lufthansa oo afka jarmalka lagu yiraa Luftensa waa diyaarad laga leeyahay dalk jarmalka, diyaaradaan waxa ay ka hawl gashaa magaalooyin dhowr ah oo ay ka midtahay Frankfurt, Barliin, Hamburg iyo Munikh.

86 qof oo kabadbaaday afduubkii 1977
Xarunta dhexe ee Lufthansa

Afduubkii Lufthansa Duulimaad N 181, 13/10/77 wax ka badal

Lufthansa Duulimaadkii 181 waxa ay ahayd Lufthansa Boeing 737-230 Adv aircraft oo lagu magacaabi jiray Landshut oo la afduubay 13 Oktober, 1977 jabhadda xuraynta shacabka falastiin

Sababta lagu sheegay in loo af duubay wax ka badal

Sababta aad looma oga ilaa iyo hadda sababo badan ayaa la sheegaa oo ay ugu horeeyso afduubayaasha waxa ay xiriir la lahaayeen koox qas wadayaal ah ee ka jirtay jarmalka galbeed oo shuuciyada sheegan jirtay ee loo yaqaan RAF Rote Armee Fraktion, iyadoo la sheegay in nin madax ka ahaa oo laga xiray haddii aan la sii dayn ay dili doonaan dhamaan rakaabka saaran diyaarada.

 
Airbus A300

Meelaha ay ku soo hakatay ama istaagtay wax ka badal

Abbaarihii 11:00am qamiis 13 oktobar, 1977 Duulimaadkii LH181 Landshut, Boeing 733 ee ka soo kacday Palma de Mollorca kuna socotay Frankfurt oo ay saarnaayeen 86 basajeeri iyo 5 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda waxaa waday Jürgen Schumann, 30 daqiiqo kadib waxaa dhacay afduub, af duubayaashii waxeey isku magacaabeen "Commando Martyr Halime" waxeeyna kala ahaayeen 2 falstiinyiin ah iyo 2 Lubnaan ah, waxa ayna usheegeen duuliyihii in uu aado Qubrus duuliyihii waxuu ku andacooday in aanuusan haysay shidaal ku filan kuna qasbanyahay in uu roma ku dego. Roma shidaal bay ka qaadatay kadaibna waa ka duushay waxa ay dagtay Qubrus saacaddu marka ay ahayd 8:28PM Waxeey ka sii duushay qubrus 10:50 pm waxeeyna ujihaysatay Bayruut, waxaa loo sheegay kadib bayruut in ay diiday kadibna Dimishiq, Bagdaad iyo Kuwayt. Waxa ay soo caga dhigatay Baxrayn 1.52 am Kaidbna dubeey waxeeyna halkaas joogtay 80 saacadood waxaa yimid Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee loo yaqaan GSG 9, kadib markii lagu guul daraystay wada hadalka waxa ay uduushay Cadan 12:20 am 17 oktober, 1977 Cadan markii la yimid way diideen in ay soo degto diyaarada laakiin si kadis ah bay ugu dagatay xaalad degdeg ah, waxaana halkaas lagu dilay Jürgen Schumann. 6:00 am Waxa ay udhuushay Muqdisho waxeeyna soo caga dhigatay 6:20 Saacadda Muqdisho.

Imaashihii Garoonka Muqdisho wax ka badal

Lufthansa Duulimaad N181 Oktober 1977 waxeey soo cagadhigatay garoonka muqdisho saacaddu marka ay ahayd 6:20am saacadda muqdisho. Soomaaliya markaa waxa ay ku jirtaa dagaal abaabulkiisa oo ay rabto in ay ku qaado Etopia

Jarmlka galbeed waxa uu soo magacaabay nin wada hadal la fura soomaaliya gaar ahaa Siyaad barre ninkaa oo lagu magacaabo Jürgen Wischnewski

 
Jürgen Wischnewski

Waxaana howlgalka fulin doona GSG 9 oo ah ciidanka sida gaarka ah utababaran ee ka hortagga argagixasada oo gaaraya 30 askari oo uu madax u ahaa Ulrich Wegener.

Howl galkii GSG 9 wax ka badal

Howgalkii la magac baxay Feuerzauber
Taariikhda Oktobar 18, 1977
Goobta Muqdisho, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya
Natiijada GSG 9 Guul
Wada dagaalamay
  GSG 9

  SAS (Kor jooge yaal)
  Ciidamada Komadoosta (taageerayaal)

PFLP
Hogaanka iyo saraakiisha
  Ulrich Wegener
  Alastair Morrison
Zohair Akache  
Awooda
30 GSG 9 fulinta

2 SAS kor jooge yaal

4 af-duubayaal
Khasaarada iyo dhaawaca
1 dhaawac 3 la dilay

1 dhaawac/la qabtay

1 rayad dhibtay, 1 rayad dhaawac

Ulrich Wegener waxa uu la kulmaya jeneral Maxamed siciid xirsi "Moorgan" oo ahaa xiligaas taliyaha ciidanka komandosta ah waxa uuna dalbaday in ay fuliyaan howl galka ciidan GSG 9 ah wada hadal dheer ka dib waxaa la isla gartay in ay ahaadeen ciidanka soomaalida caawiyeyaal oo kaliya waxaa la soo diyaariyey 200 askari kumandos waxaana la howl galay sidii lagu talo galay 5 kamid ah ciidanka GSG 9 ayaa diyaadada koray howlgal biloowday 2:00 am socdayna ilaa 4:00 Habeenimo waana la dilay dhamaantood. Maalmo kadib waxaa isdilay ninkii xukumay kooxdii jermalka ahayd Red Army Faction gaarigiisa ayaa laga dhax helay waxaa kale oo isdilay ayaa la sheegay ninkii lagu andacoonayey in la soo daayo oo isna ka tirsanaa kooxdaas.

Badbaadintii 86 Rakaab wax ka badal

 
Diyaaradii la afduubtay waagaas oo joogta Brasil qaabkiina laga bedelay

Waxaa meeshaas lagu bad baadiyey 86 bassejeri ah iyo 4 kamid ah shaqaalihii diyaaradda waxaana meeshaas lagu dilay afduubayaashii dhamaan.

  • Waxaa soo xaadiray Garoonka diyaaradaha
  • Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre
  • M Kuxigen Xuseen Kulmiye Afrax
  • Sareye Gas Maxmed Cali Samatar
  • Jeneral Maxamed Siciid Xirsi (MoorGan)
  • Gudoomiyaha Gobolka Banadir Yuusuf Ibraahim Cali (Abuuraas)

Xiriirkii Jarmalka Galbeed iyo soomaaliya wax ka badal

Isku day inaad naga caawiso

Somali Airlines iyo xiriirkii Lufthansa wax ka badal