Lego bay somalia Waa degmo ku taalla Gobolka bay , Leego waxaa degan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, waxaana dagan Beelaha Shanta caleemood gaar ahaan Beesha Hubeer, Irdho iyo Beesha makaahiil Gaaljecel oo xoolo dhaqato una soo raadsaday daaq.

Halka ay ku taal Lego wax ka badal

Leego degmo soo jiidasho leh, waxay magaalada yaaqbiriweyn u jirtaa 20km halka Buurhakaba ay u jirto 54km. Leego waa degmo ku caan baxday daaqa xoolaha nool gaar ahaan Geela ariga iyo lo da oo ay si weyn ugu caan baxday. Leego waxaa hoos yimaado tuulooyin badan oo si weyn loo deggan yahay.

jiira kulow

Muhiimadda Lego wax ka badal

Leego waa degmada ugu caanaha badan deegaannada koonfur galbeed, taasoo ay ku soo jiidatay in dad badan oo Muqdishu degganaa ay ka sameystaan guryo fillooyin ah si ay caruurtooda hawo baddalasho ugu keenaan xiliyada barwaaqada oo roobka sida wanaagsan u da'o, taasoo ku caan baxday hawo macaan oo caafimaad leh kuna fiican dalxiiska iyo daawashada deegaanka. Waxaa kaloo ay caan ku tahay kala wareegga ugu wayn ee baabuurta iskiiga kala goosha shabeelada hoose iyo gobolka baay.