Hambeegar waxaa laga sameeyay, Hilib shiidan iyo roodhi wareegan. waxaana dhaxda uuga jiro, Basal, Yaanyo, Karooto Farmaajo, Qajaar iyo Cansalaato ama begal. korka waxaa uuga daadsan Sisin, magaca (Hambeegar) waxaa laga keenay magaalo ku taalo wadanka Jarmalka, oo la dhoho Hamborg. wadamada qaarkood, hambeegar waxee u adeegsadaan, hilibkasto oo shiishiid ah. hambeegar waxaa aad loogu yaqaanaa, shirkadaha waaween sida makdonalds ama bogerking, kuwaas oo watto battaati, waxyaabo badan oo mac macaan ah. soomaaliya waa laga yaqaanaa hambeegarka, ayaga oo lagasameeyay, hilibka malaayga ama hilib shiishiidka ah, laakiin looma casriyeen sida wadamada galbeedka, ma ogi in laga yaqaano bataatiga la shiilay. maqaayadaha soomaaliya, waxee caan ku yihiin suqaar iyo rooti, baasto iyo suugo aad loo casriyeeyay ama bariis,. cabitaan mushakal ah, oo la dhareereesid, iyo waxyaabo badan oo macaan ayee sameeyaan.