Golaha wakiilada dawlada (Puntland)

Golaha sharci ilaalinta oo ah wakiilka dadweynaha iyo la xisaabtanka xukuumada

Golaha Wakiilada Dawladda Puntland (Baarlamaanka Puntland) [1] (Af-turkiga: Temsilciler Meclisi (Af-ingiriisi: House Of Representatives (Af-carabi مجلس النواب : (Af-soomaali: Golaha Wakiilada waa Golaha Wakiillada (Sharci ilaalinta). Golaha Wakiillada wuxuu door muuqda ku leeyahay dib-u-dhiska dalka, iyo horumarinta hufnaanta, isla xisaabtanka, nabad-galyada muwaadinka iyo Dawlad-wanaagga Puntland iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo si hufan u guta waajibaadkooda sharci-dejinta, Wakiillada, kormeerka iyo xallinta khilaafaadka.

House Of Representatives
مجلس النواب
Temsilciler Meclisi

Golaha Wakiilada Dawladda Puntland
Golaha Wakiillada (Golaha Sharciga)
lagasoo bilaabo aas-aaskii dawlada Puntland ee 1998-dii xukuumadu waxay yeelatay ilaa 6 gole wakiilo oo kala dambeeyay
La Unkay1-dii Agoosto 1998
Hogaanka
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Gudoomiyaha Golaha Wakiillada)
Cabdulcasiis Cabdulaahi Cismaan (Guddoomiye ku-xigeenka koowaad)
Ismaaciil Maxamed Warsame (Guddoomiye ku-xigeenka Labaad)
Cabdirisaaq Xidig Warsame (Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka) Cabdiwali Xassan Gooni, Agaasimaha Warfaafinta Baarlamaanka
Tirada XubnahaBaarlamaanka ayaa ka kooban lix iyo lixdan (66) xildhibaan

Luqadaha Rasmiga ah ee Goluhu waa Soomaali iyo Carabi.

Golaha Wakiilladu wuxu leeyahay awoodaha iyo xilalka Dib u eegista, ansixinta, diidmada, wax-ka beddelidda iyo curinta xeerarka, ansixinta/diidmada xaalad dagaal iyo meel marinta heshiis nabadeed marka xukuumaddu soo jeediso.

Waxaa loogu yeeraa Golaha sharci dhigista, marka la isku daro waa sharci-dhigista dastuurka Xukuumada, sidoo kale ilaalinta hanaanka iyo haykalka Dawladda Puntland.

Dhismihii Puntland kadib, Golaha waxaa si toos ah shacabka u soo doorteen 1998, 2004, 2009, 2013 iyo 2018. 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee hadda jira ayaa la soo doortay December 2018 muddo shan sanno ah. Janaayo 04, 2019, Goluhu wuxuu doortay Guddoomiye Golaha Wakiillada iyo laba ku-xigeen. Taas waxa ku-xigtay si guul ah oo lagu doortay Madaxweynaha Dawlad Puntland Janaayo 8, 2019.  

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil
Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan
Ismaaciil Maxamed Warsame
Cabdirisaaq Xidig Warsame

Xigasho wax ka badal

sidoo kale arag wax ka badal

  • Abdul Rashid Yusuf Jibril
  • Cabdi Casiis Cabdullaahi Cismaan
  • Ismail Mehmet Assasme

Xiriirinta dibadda wax ka badal

  1. (PDF) https://web.archive.org/web/20220914215512/http://puntlandparliament.net/wp-content/uploads/2022/08/Dastuuurka-Puntland.pdf. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 2022-09-14. Soo qaatay 2022-09-15.  Maqan ama ebar |title= (caawin)