Geed Jaceyl waa xaafad ku taala degmada wardhiigley ee gobolka Banaadir. Xaafadaan waxaa lagu xusuustaa qeybo badan oo dhalintu ay ku caweyso. Xaafadda Geed jaceyl dhinac ahaan waa xaafad strategy ah waayo waxey dhinac ka saaran tahay xarunta laga arimiyo dalka oo idil ee Villa Somalia/Madaxtooyadda, waa xaafad ey kasoo jeedaan aqoonyahano iyo Rag kaloo magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed, Soomaalinimo dhab iyo wadaniyad waa halka ey astaanteedu tahay. waana Meel aan Laga Aqoon Qabiil iyo Qabyaaladba oo dadka dagani ay isugu Wada Jiraan Jufooyinka Somaaliyed oo idil.


Dadka dagan Xaafadani Geedjaceyl Waa dad aad ujecel Marti Soorka ama soo Dhaweynta dariskooda dagan xaafadaha iyo degmooyinka Nawaaxiga la ah Xaafada, Waxey Daris Latahay GeedJaceyl xaafadaha: Barxada, Buurhindi, e|Xararyaale], Xamar Bile, |buulo Hoose], [Xamar Jadiid], iyo Siinaay. oo Dhamantood ka wada Tirsan Degmada Wardhiigley/Warta Nababadda.


Meelaha Caanka ee Ku Yaal Geedjaceyl

GeedJaceyl Waxey Caan ku Tahay Maqaayadaha/Baar Ama Goobaha Shaaxa Laga Cabo ee Liiskugu Yimaad Waxa ka Mid ah Goobahaasi:

Maqaayada Alwaasac oo Startigic place ah iyado Saarned isgoska Geedjaceyl.

Hotel Daamey oo SIdoo Kale kaso Horjeday Maqayada Alwaasac oo Odayasha Masulinta xafada ay isugu Iman Jireen.

Farmashiye Mowliid (c/llahi Dheeman). oo ahaa Goob Cafimaad isla markaan neh Caan ka Ah Xaafadani.

Photo One iyo Photo Alpha oo Caan ka aha Xaafada.

Masjidka Cabdala iyo Cawareere iyo Alkhaaliq. ceelka fatxi iyo maqaayada fatxi iyo isbitaalka albiri dabaqa Neero iskuulka hatiwadaag iyo iskuulka salaaxudiin Forna Muna, Farmashiuye Burji, rugtii caafimaadka Salad Januune Iyo Meelo Kale oo Caan ah aan Halkan Kuwada Xusi Karin..

Dadka caanka ah ee xaafadaan kasoo jeedo waxaa ka mid ah: ODay Xuseen Cumar, Macmaceyste, Dhagajuun Sperparts, C/kariim Henry. AUN Cabdi siciid, Goley, Siciid Sona iyo odayaal iyo dhalin yaro badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Gudoomiyaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab. Macalinkii kooxda Jeenyo iyo Qaranka Salaad Faarax Xasan ”Salaad Jardheeye” Macalinka kooxda Jeenyo iyo Galmudug Axmed Tahliil Cali. Ahmed Abdikarim waayo-arag oo baraha bulshada aad loogu yaqaano. Bashiir Jeenyo Garsoore kubbada cagta Axmedeey Baroodo. iyo qaar kaloo badan.