Dhurde ama Dhuunyaale (Af Ingiriis : Bombyliidae)  waa Waa duqsi yaryar oo dheecaan aan u macaan oo malabkoo kale ah sameeya, aanse u badneyn sida kan shinnida, waxaana loo yaqaanaa Sur.

Grosser Wollschweber Bombylius major

Waxa uu caan ku yahay dhuun dheer oo jaale madow xigeen ah oo uu ka taago daldaloolka dhirta oo ah aqalka rasmiga ah oo deggan yahay.

Surta wax ka badal

Surta ayaan laga aqoon malabka balse aad bay uga yartahay wxuuna ku sameeyaa geeduhu meelaha ay dulduleelada ku leeyihiin waxana ka mida dhirta uu ku sameeyo xagarka, kunrada iyo qaroonka ama dhamaan dhirta geed quwaaxa loo yaqaan.

Marka aad jabsato surta ama dhuunyaalaha badanaa wuxuu u qaybsan yahay saddex qaybood; Malab miida oo midabka madowga leh, malab aan weli bislaan ama gaws midabka jaalaha ama hurdiga leh iyo qaybta saddexaad oo ah dhalaanka dhurdaha, badanaa dadka goosta surta ma waxyeeleeyaan dhalaanka oo waa dhawraan dadka qaarkiina wey cunaan ogaal la'aan ay malabka qayb kamida moodaan.

by: C/raxmaan Dalmar 5 May, 2018

 
Dhurduhu wuxuu manka ka soo ururshaa ubaxa ama xayga dhirta sida shinnidu samayso.

Soomaalidu maxay ka tiri wax ka badal

Abwaan Dhoodaan iyo gabaygiisii DHUGASHO meerisyo ka mid ah oo uu hawsha Dhurdaha ku tilmaamay wuxu yirir:

-Dhurde ma laha dhuuxiyo laf iyo dhiibsanow muruqe
-Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray lala dhamayaaye
-Intaan ubuxu dhaarinee ku yaal laanta dhaladeeda 
-Ee uu mankuba dhaaddan yuu tacab dhiteystaaye
-Hadhow buu se wuxu sii dhigtay malab ka dhuuqaaye
-Haddaan eegno dhuunyaalihiyo aniga Dhoodaana
-Bilow Aadmigii aan u dhashaan yara ku dhaamaaye
-Geedaha dhulkiyo hawlkarnimo igaga dheereeye.

Qaabsamayska Baalashiisa wax ka badal

Dhulka wax ka guranaya

Sawirro wax ka badal

Sidoo kale arag wax ka badal

Tixraac wax ka badal